Connect with us

somalilandtoday.com

Madaxdeenu Runta ma jecla laaakiin waxaa Runta u sheegi kara nimaan u shaxaad tagin…W/Q Maxamuud Daahir

Articles

Madaxdeenu Runta ma jecla laaakiin waxaa Runta u sheegi kara nimaan u shaxaad tagin…W/Q Maxamuud Daahir

Madaxdeenu Runta ma jecla laaakiin waxaa Runta u sheegi kara nimaan u shaxaad tagin, islamarkaana fikirkaagu xor u ah:
Sheekadan ila Dhugo:


Nin reer yemen ah oo xaaji lacag haysta ah ayaa Majlis qayilaad lahaa; waxaa la fadhiisan jirey rag uu qaadka u qaado. Markaa sheekadiisa aad ayaa loo dhageysan jirey islamarkaana hadduu doono neefta ayuu iska siin deyn jirey. Nimankaa la fadhiya nin qudha ‘ Uf’ ma odhan karo ileyn isagaa qaadka u qaadaye.

Maalintii danbe ayuu nin Mijintiisa qaadka ah haystaa la soo fadhiistay. Markii woxogaa la qayiley ayuu xaajigii bilaabay, inuu neeftii sii daayo ninkii cusbaa ee mijintiisa sitey ayaa yidhi “ Uf naga daa Xaaji”.
Xaajigii uma baran wuxuu yidhi “ Yaa uf yidhi”
qoladii marfashka fadhidey ayaa mar qudha wada yidhi “ Xaaji nin mijintiisa Haysta Kkkkkkkkkkkk”
Imika nin madax ah ayaad meel wada fadhiisanaysaan kolkaas ayuu doonayaa inuu fikirkiisa kugu qasbo islamarkaana isaguun la dhageysto run iyo beenba markaad tidhaahdo sidaa ilama ah, wuu xanaaqaya markaa waxaan leenahay kuwa aad shaah u shubtaan oo aan idinka hor iman sameysta kkkkkkkkkk raga shaahooda haysta ha ula imanine ileyn naga daa ayay ku odhan doonaan adna waad xanaaqi.
Igaba dhan

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in Articles

To Top