Somaliland Oo U Muuqata In Xukuumadani Ka Leexinayso Doorkii Ay Ku Laheyd Dimuqraadiyadda Doorashooyinka Iyo Saansaanta Cahdi Kalitalis

Marka aynu Dib ugu Noqono Nidaamka Doorashooyinka Xorta ah ee ay Kusoo Caana Maashey Somaliland, Islamarkaana Tilmaan iyo Taariikh u ah Tubtii uu u Jeexay Madaxweynihii Seeska u Dhigay Hanaanka iyo Dhismaha Dawladnino Marxuum Maxamed Xaaji Ibaarhim Cigaal ee Nodaamka Xisbiyadda Ku Loolamaya hogaaminta Talada Dalka oo Xaqiiqdii ahaa Nidaam la jaan Qaadey Nidaamyadda Dalalka Dunida Hurumartey ee Caalamka ee Doorasho Xor ah oo Xalaal ah oo Shacbigu ku Cabiraan Masiirkooda.

Waxaynu Wada ognahey in Nidaamkan uu seeska u Dhigay Marxuum Cigaal ee Doorashooyinka oo Somaliland kaga Duwaneyd Dawlado Afrikaan ah oo Qarniyo iyo Boqolaal Sano Dawlad ahaa Waxey kaga Dhex

Muuqatey Afrikaaanka.intooda ugu badan. iyo Soomaalida oo Dhan Taas, oo Muslim iyo Gaalba Laga Marag kacayay in Aaney habayaraatee, jirin Cid isku Dhererin Karta ama kula Tartami karta Geedi Socodka Doorashooyinka Xorta ah ee Shacabku ku Dooranayaan Cida ay Mar Walba Doonayaan, inagoon kala Masuugaynin Waxaa Hirgalinteeda iyo Meel marinteeda Suurtagaliyey Madaxweyne Daahir Rayaale oo Fuliyey Dardaarankii iyo Dastuurigii Madaxweynihii ka horeeyay ee Seeska Dawladnimo u Dhigey Somaliland Taas, oo Qof kasta oo Somaliland u Dhashey Dareemay Micnaha iyo Nuxurka ku Jira in Shacbigu si Xir ah oo Xalaal ah U Doortaan Cid kasta oo ay Masiirkooda ku aaminayaan.

Sikasta oo ay Tahey , in kasta oo Rayul Caamka Bulshada Somaliland intooda Waxgaradka ah iyo Aqoonyahankuba ay had iyo Jeer Carabka ku hayeen In Madaxweynaha Maanta Talada Haya Muuse Biixi Cabdi iyo Ragga Mudakarka ah ee Xukuumadiisa Kujiraa ay Yihiin Askar Lagaga fiican yahey Doorka Hogaamineed ee Talada dalka Gees kasta Marka la barbar Dhigo Siyaasiyiin Aqoonyahan ah oo Rayid ah haddana Waxa Maalmihii u Dambeeyay Shacbigu Rajo badan ka Qabeen Wadahadaladii u Socdey Xukuumada oo ah Hogaanka Xisbi Xaakimka Kulmiye iyo Xisbiyada kale ee Mucaaridka ah taas, oo ajandaha Wadahadaladu ku Beegnaayeen Sidii Dhabaha loogu Xaadhi lahaa heshiis Midaysan oo Xal lagaga gaadho in Lasoo afjaro Khilaafadkii Dhinaca Doorashooyinka Soo Socda ee D/hoose iyo Kuwa Muddo Dhaafey ee Golayaasha Sharci Dajinta oo Aqoonyahan badani isku Diyaariyeen haseyeeshee, u Muuqda in Kuwa gabi ahaanba burburey Maadaama Xukuumadu Qafla Baabeyn ku Gawracdey Rajadii Wadahadaladaa islamarkaana, gabi ahaanba Diiday in La isla Meel Dhigo in Komishanka Doorashooyinka Lakala Diro Maadaama Caqabad loo Arkey un ay Doorasho Dambe ka Qabtaan Marba haddii ay Muran badan Dhalisey Doorashadii hore ay u Qabteen ee Madaxtooyadu horena, ay ugu Fashilmeen Diiwaangalintii ay Qabteen Oo Dhibaato badani Dadka kasoo Waajahdey Marba hadii ay Marna Dadkii Diiwaangaliyeen haddana Mar Dambe Kaadhkii Diiwaangalinta Bixiyeen iyadoo aanay Shacbigu Duruufahaa Xiliyada kala Duwan ah Awood u haynin.

Haddaba Mar haddii ay Xukuumaddii iska Dhaga Marisey in Xal laga gaadho Caqabada Doorashooyinka hortaala Islamarkaana, ay Dhagaha ka Fureysatey Talooyinkii Xisbiyada Mucaaridka ah iyaddoo Faysal Cali Waraabe oo Hadaladiisa iyo Diirkiisa Siyaasadeed oo Boqolkiiba Sideetan inta badan Xaqiiqda ka Durugasan Matelaad Siyaasadeed iyo Daneysi gaar ahna u Badan uu Runta ka Sheegay Halka at Maanta arintaasi Taagan Tahey oo ah In Xukuumadu ka badheedhay in Gabi ahaanba Laga Leexday ama aan Waxba la iskaga Tirin Doorashooyinkii iyo Nidaamkii Dinuqraadiyadeed ee Somaliland kusoo Caana maashey kagana Duwaneyd Soomaali oo Dhan Dawladeeda Koonfurta iyo Maamul Goboleedyadeeda, iyo Waliba Dalalka Mandaqada Intooda badan Marka aynu eegno ee aynu Dhab u Xaqiiqsano Sida aaney Uga Jawaab Celin Xukuumadu Qeylada Faysal Cali Waraabe ee ku aadan in Xukuumadu Diidey Dhabihii Doorashada Miyaanay Aheyn in ay Damacdey ama u Diga Rogatey Dhabaha Kalitalisnino ee Digteytar-Shipka Miyaabay Xaqiijinayn in Xukuumadani Isku Cadeysay Askar aan Doonayn in.Lala Tartamo oo Doorasho Xalaal ah La galo Maxey Komishanka ugu Dhagsan Yihiin Mar haddii Aqlabiyadii Xisbiyadu ka aragti Duwaanadeen Ma Waxey Doonayaan innay Duulal Cimri Ina Xukumaan Aawey Rajadii Shacabku Filayeen iyo Doorashadii Xorta iyo Xalaasha aheyd.

Najiib Ismaaciil Maxamed
Somaliland Gabiley
Tell:0634466339