Connect with us

somalilandtoday.com

Siyaasi Ismaaciil Buubaa Oo Soo Bandhigay Halka Uu Salka Ku Hayo Ismarin Waaga Arrimaha Doorashada Ee Xisbiyada Somaliland

focus

Siyaasi Ismaaciil Buubaa Oo Soo Bandhigay Halka Uu Salka Ku Hayo Ismarin Waaga Arrimaha Doorashada Ee Xisbiyada Somaliland

(SLT-Hargeysa)-Siyaasi Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubaa oo ka mid ah siyaasiyiinta xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayaa ka hadlay ismarin waaga arimaha doorashada ee u dhaxeeya xisbiyada.

Siyaasi Ismaaciil Buubaa ayaa soo bandhigay halka uu salka ku hayo khilaafka u dhaxeeya xisbiyada siyaasadu waxaanu yidhi “Waxa jira in guddida doorashadu ay ka kooban tahay todobada xubnood, haddii la yidhi hala qaybsado oo sadex haloo qaybsad, waaqicii siyaasiga ahaa way ka tagan tahay, qaanuuniyan way ku salaysan tahay oo sadexdii xisbi way jiraan, kolkaa aniga waxay ila tahay in is afgaran waaga weyn ee jiraa waxa weeyaan asxaabtu waxay isku qaldayaan jiritaankooda qaanuun iyo jiritaankooda siyaasadeed, xisbi waxa uu jiritaan siyaasadeed ku leeyahay taageerada uu ka haysto wadankaas uu ka soo jeedo, markaa is afgaran waaga jiraa waxa weeyaan mid ay xisbiyadu isku qaldayaan qaradooda siyaasadeed iyo jiritaankooda qaanuun, marka taas la saxo ayaana lays fahmi doonaa.”ayuu yidhi Ismaaciil Buubaa oo u waramay Eryaltv.

Siyaasi Ismaaciil Buubaa ayaa sidoo kale ka hadlay cadaadiska ay xukuumadu ku hayso warbaahinta madaxa banaan “Arintaasi waa mid aan wanaagsanayn, saxaafadu inay dadweynaha u soo tabiso wixii war ah ee jira waxa ku jirta halkaas caafimaadka iyo jiritaanka wadaninimo ee somaliland, wadan walba sida uu u ixtiraamo saxaafadiisa ayuu war sugana u kala helaa, haddii war sugan oo madax banaan loo tabin waayo bulshada waxa laga yaabaa in waxyaabo aan jirin oo khalad ah iyo shaki ka dhex abuurma dadka dhexdiisa inay dhibaato u keento bulshada.”

Sidoo kale siyaasi Ismaaciil Buubaa ayaa sidoo kale talo u jeediyey xukuumada waxaanu yidhi “Dawladu haddii ay doonayso inay hantido wadan degan oo horu mar keeni kara, dadweynuhuna inay isku calool fayoobaadaan waxay ku xidhan tahay sida ay war sugan u kala helaan, is qabqabsiga iyo dhibaatooyinka bulshada dhex yimaadaa waxay ka yimaadaan warar aan sugnayn oo la tabiyey

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top