Faa’idooyinka Qaranka Ugu Jira Midaynta Daabacaadda Dawladda. W/Q Abdirashid Mohamed Jama Belel

Bilihii u danbeeyey waxa warbaahinta kala duwani baahinaysay warar ku saabsan soo celinta hantidii dawladda, waxaynu arkaynay haamihii shidaalka Berbera, shaybaadhkii shidaalka, adeeggii nabad galyada madaarka Hargeysa iyo kuwo kale, dib u soo celinta shaqooyin ay qaban karaan amaba ay qaban jireen hay’addo dawladeed waa tallaabo loo qaaday dhinaca dawlad dhiska iyo xoojinta hay’addaha qaranka.

Wareegtadii u danbaysay ee dawladdu ku soo wareejiso hanti dawladeed waxa soo saaray wasiirka wasaaradda horumarinta maaliyada, wareegtadaasi waxay dhukumentiyadii xaasaasiga ahaa qiimaha lacageedna lahaa dib ugu celisay wakaaladda madbacadda qaranka oo ay shaqadeedii ahayd. Haddaba waxa aan jecelahay in aan dul istaago faaidooyinka dawladda ugu jira midaynta

daabacaadda.
Inta aanan gudo gelin faaidooyinka aan is waydiino dunida waxa ka jira 200 oo wadan dhammaantood waxay leeyihiin madbacaddo qaran oo uga masuul ah daabicista dhukumentiga rasmiga ah ee dawladdu ku shaqayso, tusaale ahaan maraykanka oo aynu ognahay heerka uu ka gaadhay tignoolajiyada hadana wuxuu ka maarmi waayay in uu yeesho madbacad qaran oo daabacda dhukumentiyada hard-ka ah waxa jira xafiiska daabacaadda federaalka oo layidhaa (U.S Government Printing Office) xafiiskaas oo daabaca dhukumentiyada xaasaasiga ah ee dawladda dhexe sida baasaaboorka, sidoo kale 53-ka dawlad gobaleed ee maraykanku ka kooban yahay midkastaa waxay leedahay madbacad u gaar ah tusaale ahaan (Washington State Printing Agency).

Haddaba su’aasha iswaydiinta u baahani waxa weeye haddii maraykankii ka maarmi waayay madbacad dawladda Somaliland ma ka maarmi kartaa madbacad qaran oo shaqaynaysa in ay yeelato, jawaabta arkhristaha ayaan u dhaafayaa, aan si kooban u dareeriyo sadex qodob aan ka soo qaatay faaidooyinka faraha badan ee dawladda ugu jira midaynta daabacaaddeeda:-

1. Kharashka soo noqnoqda ee dawladda oo yaraada iyo qoondada horumarka oo badata

Ilaha dakhli ee dawladda waxa ugu muhiimsan cashuuraha waxa soo raaca lacagaha deeqda ah ee Somaliland ka hesho dunida (international aid), sanad kasta inta badan bisha December waxa aynu arragnaa/maqalnaa golaha wakiilada oo ansixinaya miisaaniyada dawladda (cashuurtii bulshada oo kharash iyo dakhli ah) iyo qoondada deeqaha dunida aynu ka filayno sanadkaas oo lifaaq ahaan loo raaciyo miisaaniyada (supplementary budget).

Haddaba sida aynu lawada socono miisaaniyada dawladdu waxay ka timaadaa sadexda meelood ee kala ah dawladda dhexe, hay’addaha madaxabanaan iyo dawladdaha hoose waxaanay ka koobantahay laba qaybood oo kala ah

A. Qoondada kharashka soo noqnoqda (recurrent expenditure), sida shidaalka, waraaqaha xafiisyadada (stationary) iwm

B. Qoondada horumarka (development budget)

Haddaba daabacaadda dhukumentiyada faraha badan ee dawladdu ku shaqayso sida baasaaboorka, kaadhka aqoonsiga muwaadinka taarikada gaadiidka, liisamada, buugga lahaansha gaadhiga, manhajka, iyo shahaadooyinka dugsiyada hoose/dhexe/sare iyo dhukumentiyo badan oo kale marka la mideeyo ee madbacadda qaranka la hoos geeyo, waxa meesha ka baxaya lacagtii badnayd ee shirkadaha sida gaarka ah loo leeyahay lagu siin jirey lacagtani waxay ka soo go’aysaa qoondadii kharashka miisaaniyada waxaanay gelaysaa qoondadii horumarka. Dawladda cusubi waxay u muuqataa inay ku baraarugsan tahay arrintan waxaanan u cuskanayaa go’aanka soo celinta iyo midaynta daabacaddo shakhsiyaad iyo shirkado gaar loo leeyahay gacanta ku hayeen oo imika dib loo qarameeyey lana hoos geeyey madbacaddii qaranka.

2. Sumcadda dhukumentiyada dawladdu ku shaqayo oo ilaashanta

Dawladdu waxay leedahay dhukumentiyo ay ku shaqayso dhexdeeda iyo kuwa ay shacabka ugu shaqayso oo adeeg bixinta bulshada loo adeegsado, dhukumentiyadaas kala duwan qaarkood malaha xasaasiyad (zero sensitive) marka loo eego xogta ku qoran oo ah xog dadwayne (public information) qaarkoodna waxay xambaarsan yihiin macluumaado xaasaasi ah oo haddii ay gacanta dawladda ka baxaan lagu gali karo danbiyo sida iimaylo la jabsado, foorjari iyo sir dawladdu leedahay oo si fudud loo ogaado arrimahani sharafta dawladda ayay lafjab iyo dhaawacba ku yihiin si looga baaqsadana waa in daabacaadda dawladda la mideeyo lana hoos geeyo madbacadda qaranka.

3. Musuqmaasuqa iyo xatooyada xoolaha ummada oo loo helo raadraac

Marka la mideeyo daabacaaddii dawladda waxa imanaya kaantarool iyo in lala socdo dhaqdhaqaaqa daabacaadda ,dunida kale dawladduhu madbacadddaha ay leeyhiin waxay kula dagaalamaan musumaasuqa (control mechanism), maxaa wacay madbacadduhu waa halka lagu daabaco dhukumentiga dakhliga iyo ka kharashkaba

Gebagabo

Waxa xusid mudan in dawladdu taariikhda markii u horaysay ay soo ceshanayso dhukumentiyadii ay lahayd waa go’aan geesinimo waxay dawladda u soo jiidaysaa taageerada bulshada, waxaan leeyahay faanoole fari kama qodna dawladdu ha sii wado dadaalkeeda ku wajahan soo celinta dhukumentiyadii dawladda.

Ugu danbayn waxa aan shakhsiyaadka iyo shirkadaha u soo tafaxaytay in ay ka baayac mushtaraan dhukumentiga dawladda xasuusinayaa in dunida ay jiraan waxyaabo ka caagan in laga baayac mushtareeyo meel kasta faaido lagama raadiyo dhukumentiga dawladdu maaha bucshirad ganacsi geli karta oo laga tiraaro. Muwaadinka lacagta la ordaya waxaan leeyahay lacagtaada u meel day hana iska gelin wax bari lagaaga daba iman doono.

governance002@gmail.com