Maamulka Askarigu Waa Hasha Geela Cunta Ee Cabaadda ( Abdi-Shotaly).

Maanta waxan doonayaa in aan halkan indhaha ugu jeexo, qaar iska tirti-raaya, isna diid-siinaaya waxay dhaaya-hoodu tusayaan, hadana meel kale indhaha ku fiiqaaya, is yidhaaha wax baad sheegay-saan, hana xaqiiq-dda jirta shareeraaya, iyaka oo kitaab qabyaalad ah hoosta ku haysta, misna ku af-gobaad-sadda Somaliland baad abdi-shotaliyaw wax yeelaysaa, waxan idiin sheegayaa wax inoo kala qarsoon baan jirin-ba. Waxad na leedihiin, qabyaalada-yadu waa wadninmo, ta mucaarid-kuna waa mid reereed, ee bal horta dhan isugu baydha, ilayn qabyaaladi-waa-qabyaalad, maxaa ta jeegaanta sax ka dhigay, ta inta kalena khaldka loogu sheegayaa? ka jawaaba oo waad sheegay-saane, oo hadana aad shareerays-aane, doc la idiin raaco, iyo meel la idiinku soo hagaago is

keena, kolba dhinac ha noo dhigina’e. oo ka soo baxa ciiro isku qarinta aynu isla garanayno. Wax walba waan isla og-nahay, ee joojiya dafiraadda aan geed-na haysan, sal iyo baar mid-na aan lahayn, hana is odhanina wax hadoodila, dadka waad ka maskax wacan-tihiina, munaafaqad iyo been wax lagu wado, hadana rasuulo la iska dhigayaa, shaqayn waday, oo waa la idinku hayaaye, soo mara wadaeedda, daacd iyo wax wadda lahaasho idinka dheere. Wax kaste madaxooddii inta mijo u rogteen, lskuna cayn iyo bayd goyseen, baad sidaas ku filay-saan in la idiinku sacab tumo.
Runeey-na-run, beeneey-na-been, bur iyo biyo haw kala baxdee, ee hooya waaqiciggii waa kane. Duq gaboobay iyo wiil yar baa loo dedaa hadale, dushaas baan ka garan, xaaja-daad dabaqa saarteene, dib u joog-sadda, waan idin-la dacwiyi, doodna waan odhane. Hadaan dib ugu soo noqdo cinwaanka maqaalka iyo waxa uu ka hadlaayo, ma jiraan cid been loo sheegi karaa, wakhtigan xaadirka ah. Waxan la yaabay, kuwo halkan e-mailo iigu soo dira, kuwaas oo iska dhiga qaar hor illaahay u hadlaaya iyo sidi-Mul-dhukh, sheega-naaya in ay ii nasteexay-nayaan, oo aanay iyakoo kale jirin. Ha-yeeshee doonaaya, in aan xumaanta maamulka askarta la taataaban, ka dib-na iskaga kaa soo dhigaya, kuwo aniga denbi iiga baqaya. oo ku soo marmar-soodda diinta, oo yidhaaha, Abdi-shotalaw, Illaahay ka baqa oo eraya-daadda, waa la qorayaaye is ka dhaaf. Ogaw akhristaw, nadiif buu isku sheegayaa, balse waxay rabaan kuwa noocaas ahi, siddii ay u demba-bisi lahaayaan halka ay qabyaaladda qaawan ku raacsan yihiin, oo awliyo soo daahirtay bay sidooddii u soo hulaabana-yaan. waxan u sheegayaa kuwa qaabka u ceesha, in aanu aniga ahayn, ka laga hoos baxaaye, ee idinku ka soo dega faraska gar ma qataha ah, ee aad dhan walba u eryey-saan, hadna afka boodhka soo marsanay-saan, iyaka oo aynu is uur og-nahay, waxad yeela-teen sifihii, maah-maah-ddii ahayd ” Hasha Geela Cunta Ee Cabaada’e”.

Mid ka mid ah kuwa meela-haas ku soo faygara, baa wuxu yidhi bal ummad yahay dhegaysta. Abdi-shotalaw Siilaanyo-ba wax kamaad sheegi jirin, oo aabihii kulmiye buu ahaaye, maxaa kugu direy imika askariga? Waxan qabaa qofka waxaas soo malma-luuqay in uu yahay maan-gaab, aan aqoonin ama garanayn dhanka salaadda loo jeesto, ee xaggii uu u jeedo-ba sijaayadda is hor dhgiga, micnuhu waxa weeye khaladka iyo saxu uma kala soocna, ee wax kastaa waw mubaax.

kaas sidaas ah, waxay tahay jawaab-tiisu:- Siilaanyo iyo askariga illaah ma simin, isku aqoona ma aha, oo inta cirka iyo dhulku isu jiraan u sii kala fog. In kaste oo Axmed Siilaanyo uu beryihii dambe, iska ahaa nin buka oo boqol u talisay ah, hadana laba si garab iman kara, oo lala miisaamo Askariga illaah wuu ka dheereeyey Siilaanyo.

(a) Siilaanyo Xoriyatul qawlku sidan way dhaantay, oo qof gacan qaadda mooyee, dadku wuu hadlay laguma xidhi jirin,

(b) Sulaadnadda baad soo qaadatay, waxa lagaa masaxay, in Suldaanadda micnaha loo samaystay-ba ay tahay, in ay beesha ay ka soo jeedaan u hadlaan, oo ku tiraabaan meeshii wax kaga maqan yihiin-ba beesha ay ka tirsan yihiin, ilaa iyo inta aanay Siyaasad ka hadlin, sidaas awgeed Siilaanyo muu xidhi jirin iyaka, marka laga reebo Qudhun Madaw ( Buur-madaw baad tidhaa-haaye), oo siyaasad iska dhex geli jirey aan shaqadiisa ahayn, balse noo sheeg cidda uu xidhay ee kale.

(c) Ma siilaanyaad Wakhti-giisii aad maqli jirteen ” Qof shicib ah baa qof kale oo shicib ah u xidhan” waa maya ee maxaan isu sheegaynaa, la fadhiista hambaga iyo geed sare waabka aad isku maaweeli-naysaan.

(d) Dumar la iska caayo, oo buugaag lagu qoro ma dhici jirin, oo weliba wasiirnimo la isku siiyo, oo nin dhaqan leh buu ahaa, garanaaya waxa uu yahay caarku. kani waa biyo-batalaq, oo meel uu ujeedo iyo meel kale tooona ma garanaayo, reero gaar ah, la colaw-goodda buu waxaas u samaynayaa.

(e) Siilaanyo raggii Xusbiga ahaa, wuu ka wadda reebay wasiiradiisa, kanise wuxu u kala saaray beelaha jeegaanta iyo inta kale. bal u fiirso. Jaamac shabeel wuxu ahaa gudoomi-yihii Xusbiga, kii ku xigay buu ka dhiagy wasiirka Arimaha gudaha ( Waayo Waa Jeegaanta), Xog-hayihii Xusbiga Xasan Siciid ( Waa Arab), dhinac baa laga dhaafay ( waayo Jeegaanta maaha), Ahmed Cabdi dheere Wuxu yahay Gudoomiyaha 2aad ee xubiga, waxba lama siinin ( jeegaanta baanu ahayn), Af-hayeenkii Xusbiga Ina Gaafaadhi wasiirka xanaanadda buu siiyey ( Ilayn waa jeegaanta’e), iska daa tiradoodda inta xaafa-diisa ah. Ma Siilaanyaa waxaa sameey, si run ah ugu dhawaaq eex-dda uu askarigu tooska cadaanka ah ugu kacay, inta aad derbi cad oo muuqdda, aad madaxa la dhacayso sidda simbirtii qoolay ahayd., sheekhaw lama soo koobi karo haddii aan illaa caawa wado, ee waxan ku soo xidhay qoraalkan, murtidddii Ibrahim Gadhle (IHN), ee ahayd ” Dusha kuwad la midab tahay, Kuma dooranay-side, farasaw dameeraha, la daaqin baan idhi, kala Baro dad baan idh geed” ugu damabyn akhrisatw, siin iyo saad kala saar, oo mid-ba cad-kiisa sii, Siilaanyo-na ha u keenin askariga. waxa ka keliya ee ay iska shabahaan waa Sawirka bani’aadamka’e.

N.B Dhubuq-dhubuq hore, dhitis dambay leedahay!

Qore:- Abdi-shotaly

abdijahmed2014@hotmail.com