Fanaanada Caanka Ah Ee Farxiya Fiska Oo Bandhig Faneed Laysku Arkay Hargaysa Ku Qabatay.

(SLT-Hargaysa) Fanaanada Farxiya Axmed Cadaawe (Farxiya Fiska) oo Hargaysa socdaal ku joogta ayaa xalay bandhig Faneed laysku arkay waxay ku qabatay Huteelka Guuleed oo ku yaala badhtamaha Magaalada Hargaysa .

Bandhig Faneedkan oo ay ku wehelinayeen Fanaaniinta Rer Hargaysa wuxuu aha mid bulsho badan kulmiyay, dhinaca kale wadada hormarta Huteel Guuleed oo kamid ah wadooyinka Halbowla ah ee Magaalada ayay dhib ku noqotay isu socodkii Gadiidku, iyadoo ay xanibeen Dadkii Bandhiga galaayay.

Geesta kale  Fanaanada Nasteexo Indho oo kamid ah Fanaaniinta Qurbaha ayaa iyada hore loogu diiday inay bandhigan oo kale ku qabato magaalada Hargaysa .

Somalilandtoday/Hargaysa/Office

contac@somalilamdtoday.com