Koox Hubeysan Oo Xalay Gudaha Magaalada Boosaaso Ku Toogtay Afar Nin Oo Ajaanib Ah

(SLT-Boosaaso)-Dabley hubeysan ayaa xalay gudaha magaalada Boosaaso waxa ay ku toogteen afar nin oo sida la sheegay kasoo jeeda dalka Itoobiya gaar ahaan qowmiyada xabashida.

Dilka ayaa dad goob-joogayaal ah waxa ay sheegeen in uu ka dhacay xaafada Saantoos oo kamid ah xaafadaha ay ku badan yihiin dadka ajaanibta gaar ahaan kuwa kasoo jeeda Ethiopia ,waxaana la sheegay in kooxaha weerarka geystay ay rasaas ay ku fureen goob ay ku sugnaayeen dadka la dilay iyadoona khasaare dhaawacyo ay kasoo gaareen dad kale oo ku sugnaa halka uu ka dhacay dilka.

Ilo goobjoogayal ah ayaa Horseed Media u xaqiijiyay in kooxihii ka dambeeyay dilalkaasi ay goobta isaga baxsadeen inta aysan gaarin ciidamada amaanka kuwaaso haatan baaritaano kawada agagaarka goobta lagu dilay afartaasi nin ee kasoo jeeda dalka Ethiopia.

Ammaanka Boosaaso ayaa muddooyinkii ahaa mid aan wanaagsanayn, iyadoona Ciidamada amaanka Puntland ay howlgallo lagu xaqiijinayo amniga maalmihii dambe ka wadeen gudaha magaalada Boosaaso.