Faqriga Dalka Iran Oo Kor U Sii Kacaya Xilli Ay Bilaw Tahay Cunqabataynta Uu Maraykanku Saaray!

(SLT-Iran)-Cunaqabataynta lagu soo rogay Dalka Iran ayaa waxa bilaabmay wareegeedii koowaad waxaanay dadka dalkaasi u dhashay haatan sugayaan wareegii labaad cunaqabatayntaasi oo bilaabmi doona muddo bil kadib ah.

Xaaladda dhaqaale ee dadka dalkaasi u dhashay ayaa maalin ba maalinta ka dambaysa ka sii daraysa waxaanay dadka qaarkood xilligani isku dhiibeen hay’adaha xukuumiga si ay u gacan siiyaan, warbixino xaaladda dhaqaale ee dalkaasi laga diyaariyey ayaa waxay si toos ah u cadeeyeen in Faqrigu u si toos ah u taabtay deegaano ka mid ah dalkaasi, waxaana arrintaasi lagu sababeeyay Qiimaha maciishada oo maalin walba kor u sii kacaya oo aan marana ba hoos u dhacayn amase aan heerkaa uu gaadhay aanu ku istaageyn, iyo shaqo la’aanta baahsan ee dalkaasi ka taagan.

Sida lagu baahiyey Wargeyska Hamdali ee ka soo baxa dalkaasi Iran Oo Wargeyska Himilo ka soo xigtay Qoysas tira badan oo u dhashay Dalkaasi ayaa waxay haatan sii keydsadaan Cuntooyinka Quudal Daruurgi ah maadaama oo ay ka cabsi qabaan in baahi badan ka bilaabmato Dalkaasi.