Madaxweyne Ku-xigeenka Oo Kulan La Qaatay Hoggaanka Dallada Ururrada Aan Dawliga Ahayn Ee SONSAF.

Hargeysa (Somalilandtoday)-Madaxweyneku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay hoggaanka sare ee dalladda ay ku bahoobeen ururrada aan dawliga ahayn ee SONSAF, waxaana kulankaasi lagaga wada hadlay qabsoomidda doorashooyinka foodda inagu soo haya iyo arrimo kale oo muhiim ah.

Kulankan ayaa daba socday kulamo ay hore hoggaanka ururka SONSAF ula soo qaateen madaxda xisbiyada mucaaridka ah, si layskula meel dhigo arrimaha doorashada ee Somaliland.