kaftanka maanta codkii new hargaysa ( sidda labba cadawe ah lama Kala cod goosto….W/Q Axmednuur Guruje

kaftanka maanta , codkii new hargaysa ( sidda labba cadawe ah ,lama Kala cod goosto”.


Habeenkii xalay ahaa waatii madaxwaynuhu soo booqday xaafadda new hargaysa , soo dhawayn iyo kaftana intii isa soo gaadhay is way daarsatay, xaafadda iyo madaxwaynuhu huna way is kaftan yaqaanaanoo xidhiidhkoodu waa ilaa snmtii , hassa yeeshee hal erey baa jirey oo aanay xalay xaafaddu odhan ,uguna tala gashay in ay halkan u mariso ,kaasoo ah , intii doorashada ka danbaysay , minstiradii la magacaabay iyo misaaniyadii ba waatii xaafaddu ka maqnayd ,

hadeerna wufuuda culus iyo mashaariicda ay wadaan waa uun ku maqal iyo muuqal ,markaa madaxwayne waxay xaafaddu xalay xoog u dhagaysanaysay ,heestii axmed gacayte, ee odhan jirtay ,
Hadaan caabaq kugu falay ,
Adna caabi Ha is odhan,
Sidda labba cadawe ah ,
Lama Kala cad goostee