Cabdiwali Gaas Oo Wada Qorshe Uu Ku Carqaladeynaayo Doorshada Puntland Iyo Dagaal Uu Ku Soo Qaado Ciidammada Somaliland Ee Aagga Tuke-raq

(SLT-Garoowe)-Warbaahinta Garoowe ayaa baahisay in madaxweynaha maamul-goboleedka Puntland Cabdiweli Cali Gaas uu wado olole uu ku dhicisaynayo doorashada baarlamaanka gobolkaasi ku xulayaan madaxweynahooda cusub bisha January ee sannadka 2019-ka, sidaas darteedna uu diyaarinayo dagaal ay ku qaadaan ciidammada Somaliland ee ku sugan deegaanka Tuka-raq.

Warbaahinta Garoowe ayaa daabacday warbixin lagu sheegay in Cabdi Weli Gaas uu diray saddex wasiir kuwaasi oo saraakiisha ciidamada Puntland ee ku sugan deegaanka Tuka-raq ku war geliyey in ay dagaal u diyaar garoobaan bal se xogta ayaa sheegaysa in ay ku gacan saydheen wasiirarada saraakiisha ciidamadu.

Shabakadan Garoowe Online ayaa bayaamisay in Cabdiweli Gaas uu ku hawlan yahay isku-day uu ku mijo xaabinayo qabsoomida doorashada deegaankaas, oo uu dejinayo dagaal cusub oo ay ku soo hawaystaan ciidammada Somaliland oo hore cashar ugu dhigay dagaaladii hore u dhex maray bilihii January iyo May ee 2018ka.

Waxa kaloo shabakaddu ay werisay in labadii sannadood ee u dambeeyey sumcadda Cabdiweli Gaas hoos u dhacday, kadib markii maamulka Garoowe uu hadheeyey musuqmaasuq iyo kooxaha argagixisada oo ku soo xoogaystay gobolka barri ee maamul-goboleedka Garoowe.

Geesta kalena, dadka fallanqeeya arrimaha siyaasadda waxay ku doodayaan in madaxweyne Gaas haatan damaciisa ugu weyni yahay muddo korodhsi, si arrintaasi ugu hir gashana uu xiisaddo dagaal iyo degenaasho la’aan ka abuurro deegaanka maamulkaasi.