Connect with us

somalilandtoday.com

Madaxweyne Donald Trump Oo Qof Kasta Oo Maraykan Ah Teleefankiisa Gacanta Ugu Diri Doona Farriin

focus

Madaxweyne Donald Trump Oo Qof Kasta Oo Maraykan Ah Teleefankiisa Gacanta Ugu Diri Doona Farriin

(SLT-Hargeysa)-Dadka u dhashay Dalka Maraykanka ayaa dhawaan farriin uu usoo dirayo Madaxweynaha Dalkooda ee Donald Trump ka heli doona teleefanadooda gacanta, farriintan ayaa waxay gaadhi doontaa qof kasta oo Maraykan ah oo sitta teleefanka gacanta xattaa haddii aanu ka mid aheyn dadka Twitter-ka kala socda Madaxweyne Trump.

Farriintan baahinteeda ayaa waxa iska kaashaday Wakaaladda Federal-ka ee ka hor taga masiibooyinka ee magaceeda marka la soo gaabiyo loo yaqaano FEMA iyo Guddiga Isgaadhsiinta Federal-ka ee magaceeda loo soo gaabiyo FCC, waxaanay hirgelin doonaan adeeg cusub oo Madaxweynaha Dalka u saamaxaya in farriimaha digniinta ah uu diri karo dadka teleefanada gacanta sitta, adeegan ayaa waxa magaciisa la yidhaahdaa EAS waana adeega ku shaqaynaya Internet la’aan oo loo adeegsan doono farriimaha digniinta degdeg ah ee EAS xilliyada la filayo inay dhici doonaan.

Sida lagu baahiyay wakaalada wararka ee Al- arabisa oo Wargeyska Himilo ka soo xigtay ayaa khubarada ku hawlan hirgelinta adeegan ayaa ka cabsi qaba in adeegaasi loo isticmaalo arrimo siyaasadeed.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top