Connect with us

somalilandtoday.com

Garxajis Iyo Jeegaan Dagaalka Nafsiga Ah Ee Af Ku Xoogsiga…..!

Articles

Garxajis Iyo Jeegaan Dagaalka Nafsiga Ah Ee Af Ku Xoogsiga…..!

Baryahan dambe waxaa dhegaha muwaadiyiinta Somaliland iyo guud ahaan Caalamka kaleba ku batey hadalo soo noqnoqanaya oo salka ku haya dacaayado raqiis ah oo ay wadaan dad ujeedooyin kala duwan leh oo aad moodo inay shaqo ka dhigteen burburinta nidaamka siyaasadeed,nabadgelyo, dhaqaale iyo qiyamka bulshada somaliland, dadkaasi qaarkood waxaa ka dambeeya dawlado shisheeye oo dano kala duwan ka leh burburka Somaliland.

Ugu horeyn waa

Maxay Sababta keentay in aynu maqalno magacyadan boodhka laga tumay ee ku saleysan beelaha?
Su’aashaa jawaabteeda waxaa aan filayaa in tahay :-

a) Saddexda Xisbi ee Somaliland oo aan ku dhisnayn mabaadii aas aasi u ah qaabka xisbi siyaasadeeda casriga ah ee caalamka nuxur ahaan balse magac ahaan u muuqda.

b) Isla xisbiyada Somaliland oo ka siman aan lahay Mabadii xisbinimo oo dhab ah taas bedelkeedna leh aragtiyo muuqda oo qabyaaladeed taas oo xubnaha xisbiyadaasi si ka baxsan qawaaninta xisbiyada u adeegsadaan taagiirida mushaxyadooda fikirka reernimo iyaga oo aan wax ku xulan qaab xisbinimo.

c) Khiyaamo farsameysan oo la xidhiidha in hogaamiyasha xisbiyadu u diyaarin kaadirinta xisbiyadoodu kor u qaadida aqoonta xubnahooda,si ay u fahmaan waxaa looga baahan yahay ama mabada xisbiga iyo waxaa uu rabo inuu ku bedelo siyaasada,dhaqaalaha iyo arimaha bulshada ee wadanka. Tan waxaa aan ula jeedaa weli ma maqal aqoon isweydaasi xisbiyadu u fureen xubnahooda,ama tabaro xisbiyeed oo la xidhiidha aqoonta xisbinimada, iwm. Tusaale waxaa arkeysaa Xoghaye heer qaran ah ama Gudoomiye gobol oo xisbiyadeena qaranka ah oo hadii aad weydiisid waa maxay qorshihiina xisbiyeed ee doorashooyinka soo socda ama isbedelka aad rabtaan in aad dalka ka sameysaan, oo jawaabta uu ku siinayaa tahay waa in uu soo baxo Mudane X… oo ah gudoomiyaha xisbiga ama Mudane y… ooo ah xildhibaanka. Hadii aad weydiiso sidee ayuu ku soo baxayaa?

Jawaabta uu ku siinayaa waxay tahay,Wuxuu taageero ka haystaa Beeshiisa oo ugu badan beelaha Somaliland. Haddii aad su’aasha sii wado oo aad tidhaahdo xisbiga miyaanu taageero ka haysan ,waxaa uu kuugu jawaabayaa xisbiga beesha ayaa taageerta. Halkaas waxaad ka gareneysaa in aaney jirin aragti xisbinimo ee meesha lagu hayo aragti beeleed oo xitaa madaxda xisbiyadu ilaa kuwa ugu sareeya ilaa kuwa ugu hooseeyaa mabda ahaanba aaminsan yihiin reernimo xisbigu inuu ku guuleysan doono .

Xisbiyada xisaayada ee Somaliland waa ishii laga rabey in ay soo saaraan oo ay diyaariyaan siyaasiinta mustaqalka somaliland balse taa badalkeeda waxay soo saareen kaadireen sun faafinaya suntaana waxaa ku soo talaaley xisbiyada laftooda waayo mishiinada xisbiyadaasi wadaa ayaa ugu tala galey in ay sidaa wax u socdaan.

Sidaa darteed xisbiyadu waa meesha ay siyaasada Somaliland tuuraha waaweyn ka yeelatey booramaha u eeg qabrigii qaranimada somaliland lagu aasi lahaana ka soo if baxayaan sida Garxajis,Jeegaan iyo wixii la halmaala. Garxajis waa aragtida ka dhalatey natiijadii doorashadii Somaliland ee laga guuleystey labada xisbi ee Wadani iyo UCID taas oo Xisbiga wadani u galkii xisbinimada ee awalba xuubka ahaa uu uga xuubsiibtey Garxajisnimo si uu taageerayashiisii oo uu u maleenayey iney beesha garxajis ahaayeen ugu qanciyo in laga shubtey oo maanta fursadu tahay shir beeleedyo iyo dagaal sokeeyo.

Arinta labaad waa Jeegaan oo dhinaca kale ka dhadhansaneysid in lagu rinjiyeeyey Xisbigii kulmiye oo markii uu guuleystey la yidhi waa Jeegaan.

In arintani Salka ku hayso arimahaasi waxaa aan dhegeystey su’aal la weydiiyey mudane Cabdiraxmaan ciro Gudoomiyaha Xisbiga Wadani oo ku saabsaneyd bal hadalkiisan ku saabsan in doorashadii laga shubtey ….. Jawaabtiisii waxay noqotey waan iska ciyaarayeye doorashada nimaankaas ayaa helay oo waa laygaga guuleystey. sidaa darteed akhristow ma hadhin hadal la is yidhaahdaaye Garxajis iyo Jeegaan waa dagaal nefsi ah oo lagu rabo in godka lagu geliyo qaranimadaada,waana dacaayad nool oo ay dabada ka wadaan kuwo raba in khayraadka dalka iyo dadka si aan sharci ahayn baad loogu siiyo xilal iyo xoolo aaney muteysan kolkaas culeysku waa mid la rabo in muuse biixi iyo dowalada somaliland gorgortan lagaga helo ee ma aha mid salka ku haysa xaq Garxajis ka maqan ama Jeegaan ku maqan oo la rabo in la helo balse waa dano shaqsi aan dhaafsiineyn, Garxajis wuxuu u baahan yahay waxa reer Somaliland u baahan yihiin oo ah Waxbarasho,Dhaqaale,Caafimaad,biyo nadiifa , shaqo abuur iyo wadooyin balse uma baahna dagaal sokeeye, shaqsi ku xoogsada magacooda oo dantiisa ku fulshada ,Jeegaan hadii ay jirtana waxay u baahan yihiin waxaa uu Garxajis u bahan yahay balse uma baahna Magac lagu rinjiyeeyo oo aan meel jirin , Sidaa awgeed dadka reer Somaliland guud ahaan waadad wadankooda jecel ama Garxajis ha ahaadeen ama kuwo kalaba e balse danaystayaasha magaca reeraha ku xoogsanayaa waa in la fahmaa ujeedadooda.Hadii loo jeedo kusiga Madaxweynaha Beel baa ku soo baxdey oo Muuse Bixii waa Beel taasi waxaa aan u arkaa Muuse Biixi waxaa doortey Shacabka Somaliland oo Mid ah waxaana laga rabaa in uu fuliyo waxa ay ka rabaan ee ah horumarinta dalka iyo dadka ee dhaqaale waxbarasho caafimaad,shaqo abuurid iyo cadaalad leh taasina kuma imaneyso qaab beeleed balse waa arin qaranimo,tan kale Muuse Biixi waa Gatxajis iyo Awal marka runta loo noqodo asalka ahaan kolkaa Garxajis iyo Awalba waxaa la gudboon iney ka xishoodaan durbaanada reernimo hadii ay qabyaalad aminsan yihiina iyaga ayaa maanta Somaliland hogaanka ugu sareeya u haya ee ha garteen kaalintooda Waliba Beesha reer Sh.Isaaq waa in ay fahmaan qaranimada iyo Somalilanimada waayo Maanta Madaxweynuhu waa iyaga wixii reerinimo loo sheeganayo beelaha kale waa looga garabayaa balse Reer Sh.Isaxaaq loogu garabimayo .Balse Aaday kuu taalaa in aad burburisid dalkaga iyo in aad dhasitid mustaqbal wanaagsan ee adiga iyo ubadkaga hadii kale ku mashquul Garxajis iyo Jeegaan lagu xoogsanayo.Somaliland waa ay soo martey caqabodo badan balse waa markii ugu horeysey ee jabhad loo sameysto markii wax kale wax laga qaadiwayey ayaa dhexdeeda laga kacay balse waa cashar kale oo muujinaya in dagaalku weli xoog leeyahay. Xisbiyada Somaliland qaarkood xisbi qaranba uma qalmaan marka aad eegtid ficiladooda waxaana loo bahan yahay in ay isa saxaan oo ay hagaajiyaan gudahooda inta ay ka shaqeenayaan arimo kale oo ka fog .

Waad Mahadsantihiin

M J Farah

rashiid64@outlook.com

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in Articles

To Top