Kabtii Abid Ma Yeelana, Nimuu Aadmi Kaarahaye ( Abdi-Shotaly).

Xusuus iyo waayo’aragnimo waxay kuu sheegaan, in aad wax ku qaadato, oo aad isi saxdo, sidaas awgeed, waxan dib u naawliay, weedhihii la yaabka lahaa, ee Ilaah ha u naxariisto’e, Ahmed Ismaaciil diiriye ( Qaasim), kuwaas oo si waadix ah uga turjumaaya, amintan hadda ah, baa waxa igu soo dhacay, mar qudha si kedis ah, maansadiisii la odhan jirey “Kowle” taas oo isaga oo ka arga-gaxsan sida ay wax yiihiin iyo hanaanka ay us ocdaan, wakhtigaas oo ahaa sanadkii 1963 isaga oo si xun uga yaabay, maamulkii markaas ay ka madax ahaayeen ( Wixii Somaliya lagu sheegi jirey weeyee),

Labddii Reer Koonfureed, Ee Majeerteen iyo Haweye ( Waa Aadan-Cade Iyo Cabdirashiid Cali Sharmaake), oo madaxdii siday u dhamayd u qaybiyey Reer Koonfureed, kana qadiyey nooc kaste oo ay yihiin ( sida wixii la odhan jiray Xooga Dalka Somaliyeed, Booliiskii, Wasiiraddii ugu qiimaha badnaa, badhi-saabaddii, madxaddii wakaaladaha, haba kala reebine wixiiba ay iyaku isku saameeleen. Qaasim (AHN), dabeed wuxu ogaaday, in aanay meesha wax la wadda leeyahay jirin, ee ay koonfuri iska walaaqanayso, dadkii ku tabarucay isku darkana ( waa Reer waqooyiye), loo bixiyey qaldaamiin, oo rajo ka soo jeedaa aanay jirin iyo cadaalad wax lagu qayb-sadaa, isaga oo ay ku dhacday u qaadsho-waa, arkayna in aan wax loo ogo-layn, baa tixdda aan hoos ku soo qori doono uu tiriyey, isaga oo ku tafaafulaya, Aadan-Cade iyo maamul-kiisii, waxana uu yidhi sidatan:-

Kowdii habeenimo xalaan, kacay allayl-kiiye,
Markaasaan kitaabkii akhriyey, kaahinka ahaaye,
Kowlaa u baxay wiilashii, koray darruuraaye,
Kufraa jabaya cumaroow hadaan, koobay moorada’e ( cumar waa saaxiibkii),
Keenada rag baa lagu hayaa, kadab u laab-nayne,
Kafantii rag baa loo toliyo, kiishkii geerida’e,
Kabtii abid ma yeelna nimuu, aadmi kaarahaye,
Faaruuq-ba koos buu lahaa, keli ku nooloowe,
Misna kaba la’aan inuu ku baxay, kaashif loo aragye,
Ma kanbalin kariimayste-yaal, jeeruu kaalaxaye,
Isaguna ayaan-tuu kibruu, aakhir u kacaye,
Kumbuskii ka qubay boqoradii, kooxdii yamaneede,
Dhaaxuu nin keligii tashaday, Karin ka duulaaye,
Kalkii nin uu dhammaadaan arkaa, taagan kodadiiye,
Nin intuu kursiga dheer u baxay, keligii qoondaystay,
Oo duul karaamiyo colba leh, dib ugu soo kaajay,
Isagana waxii loo katibay, waa la kulan siine,
Wadkii kanadi dilay Aadan buu, soo kac leeyahaye ( J.F Kennedy weeye),

Siddii baan midhaa uga gurtaa, madaxa toomoode, siddii baan martidda caano geel, ugu masruufaaye, siddii baan u debad meerayaa, maalin iyo layle, bal muxuu micneeyee i taray magacan Somaliland?, in aynu ka sii darno mooyee, mase ka filaysay askar baa ku amar-ku-taaglayn? Kuwa maanta haystiyo, kuwii meeshii aan ka soo dagaalamay xukumaayey, maxay ku kala duwan yihiin? kuwaas waaban isku duubnayne, kani waabu ina sii kala qaybiyaye, saw maaha markaa kud ka guur oo qanjo u guur? Akhristaw, arag-tidda uu bixinaayo gabayga sare ku yaal, miyeynu ku magacaabi karnaa waxa lagu sheego dawlad? maw qalantaa oo ma odhan karnaa waa xukuumad? kuwa ku lisanaaya iyo inta la cunaysaa, ee la raqaysaa maydka Somaliland ( Jeegaantu), ma yihiin kuwo og in aanay dalka keligiood lahayn? ee sheedda laga eegaayo. Waxan u soo qaatay maansadan sare aan ku taxay, waxa weeye oo ay iila ekaatay, ama ah kaanuhu-maanuhu, midda hadda ka taagan Dalkii la odhan jirey Somaliland, laakiin isugu biyo-shubatay Maamul-Goboleed ay inoo sarayso, kuwii la ogaa wixii ina dhex maray, tii oo aan sooba fool-dhaqan, ama kaba sii khariban, baa ina haysata, ruux dafira iyo mid og oo is-diid-siinaaya intaba, ama jeegaan ahaan isugu sacab tumaaya-ba, sawrika meesha yaalaa, haddii aad xaqiiq-dda doonayso, waa arimhii uu ka gabyaayey Qaasim (IHN) mudadda sare ku taal ( Waa 1963-giiye). anaana ay ii taalaa ( hadaan ahay shicibka reer Somaliland ee dulman), Waxan ku qoofalay maqaalkan ” Wallee ama gumooboo, sidaa layga godobaysay, ama ina rag ways gaadayaa, gacan ku ciil beelay”.
ashotaly5@gmail.com