Connect with us

somalilandtoday.com

Abbaan-duule Ciidanka Qaranka Hore Uga Goostay Oo Ku Biiray Jabhadda Kornayl Caarre Oo Qarka U Saaran Inuu Dib Usoo Noqdo + Ergayn Ka Socota Ceerigaabo Iyo Soo Dhawayn Loo Diyaarinayo

focus

Abbaan-duule Ciidanka Qaranka Hore Uga Goostay Oo Ku Biiray Jabhadda Kornayl Caarre Oo Qarka U Saaran Inuu Dib Usoo Noqdo + Ergayn Ka Socota Ceerigaabo Iyo Soo Dhawayn Loo Diyaarinayo

(SLT-Ceerigaabo)-Abaanduulihii Guutada Saddexaad ee Ciidanka Qaranka Somaliland Gamaal Ducaale Maxamed Ismaaciil (Gamaal Baaxad) ee dhawaan u goostay dhinaca Puntland, kana mid noqday falaago Somaliland kasoo horjeeda oo ay Puntland Gacan siisay ayaa qarka u saaran inuu isku soo dhiibo Dawladda Somaliland, waxaana arintaasi si weyn looga dareemayaa Xarunta Gobolka Sanaag ee Somaliland ee Ceerigaabo oo uu deegaan ahaan ninkaasi kasoo jeedo,iyadoo uu Ceerigaabo xalay gaadhay Wafti uu hogaaminayo Wasiirka Caafimaadka Somaliland.

Warar lagu kalsoon yahay oo Xalay Wargeyska Foore ka helay Magaalada Ceerigaabo oo ku saabsan arinta Taliyahani ayaa noo sheegay in Taliyahani iyo Askar kale oo la socotaa ay ku sugan yihiin meel dhawr iyo labaatan Km Woqooyi Bari ugu toosan Magaalada Ceerigaabo, gaar ahaan Tuulo la yidhaa Haldhaagan kuwaasi oo la sheegay inay wataan Gaadhigii Ambalaska ahaa ee ay hore jabhaddaasi uga dhacday Xarunta Wasaaradda Caafimaadka ee Degmada Taleex ee Gobolka Xaysimo. Warar is khilaafsan oo laga helayo Taliyahani ayaa sheegaya inuu si rasmi ah uga soo goostay Jabhaddii uu ka tirsanaa ee Caare islamarkaana uu isku soo dhiibayo Ciidanka Qaranka Somaliland halka Warar kalena ay sheegayaan inuu keli ah Gaadhiga u soo celinayo Somaliland islamarkaana uu dib ugu noqonayo Jabhaddiisii.
Sikastaba hanoqotee, Qaar ka tirsan Wariyayaasha ku sugan Magaaladda Ceerigaabo oo aad ula socda arintaasi ayaa Wargeyska Foore Xalay uga waramay Xaaladda Taliyahaasi waxaanay noosheegeen in si weyn arintaasi looga hadal hayo Magaalada Ceerigaabo islamarkaana la saadaalinayo inuu Taliye Gamaal iyo Dhawr Askari oo la socda la sheegayo inay isku soo dhiibayaan Somaliland. Wararka aanu isla Xalay ka helnay magaalada Ceerigaabo ayaa noo xaqiijiyay in Qaar ka tirsan Cuqaasha iyo Salaadiinta ka soo jeeda Jufada uu ka tirsan yahay Taliyahaasi ay shalay galinkii dambe kulamo la qaateen Masuuliyiinta Xukuumadda ee heer Gobolka islamarkaana ay kala hadleen arinta Taliyahaasi, waxaanay wararkaasi sheegayaan in Xogaha laga helayo Kulamada Ergadaasi ay yihiin kuwo muujinaya inuu Taliyahaasi ku soo waajahan yahay Ceerigaabo.

Warar kale ayaa sheegaya in arinta ugu wayn ee dhaq dhaqaaqyadaasi iyo Ergadaasi salka ku hayaan ay tahay sidii Saamaxaad loogu fidin lahaa Taliyahaasi iyo Askarta la socota islamarkaana loo damaanad qaadi lahaa inaan waxba loo raacin falalkii ay ku kaceen. Waxa Xalay magaalada Ceerigaabo ku sugnaa Wafti uu hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Dr Xasan Ismaaciil, lamana oga inay Halkaasi u tageen arimaha Gobolka Socda iyo in kale. Dhinaca kale Badhasaabka Gobolka Sanaag Maxamed Axmed Caalim (Tiimbaro) oo Waftigaasi soo dhaweeyay ayaa warbaahinta u sheegay inay arintii amni daro ee ka taagnayd Gobolkaasi ay maanta soo gunaanadmayso isagoo intaasi raaciyay in gaadhigii Ambalaaska ahaana gacanta dawlada ku soo noqonayo taasi oo loo qaatay inuu arinta taliye Gamaal ka hadlayo. “kol haddii ay Wasaaradda Cafimaadku marayso waxaan umalanayaa inta hadhayna inaan ka bogsan doono, khayr ayaanu rajaynaynaa Wasiir, Hawlihii way iska badan yihiin,Hawlihii Gobolka Sanaag si wanaagsan ayay uga soconayaan, Nabadgalyadii way noo xasishay, illaahay ha noogusii wadaanu leenahay,eedo yar yar oo lanagu xaman jirayna bilawgeedii wasiir Goobjoog ayaad noo ahaanaysaa oo ilaa bari waan soo afjaraynaa, Ambalaaskiina wuu inoo joogaa meel aan inaga fogayn,isna illaa bari(Maanta) inuu inoosoo galo waan rajaynaynaa, Khayr badan ayaa noo soo socda”.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top