Bulsho Xuquuqdoodii Wali Maqantahay: Shirkadaha Waaweyn Uma Shaqo Tagi Karno

inkastoo masruufo hadana Walaaladay dadka way ka qariyaan inaanu wax isku nahay”Dhibanne

Waa dhibane dadkiisa iyo dalkiisa ka tirsanaya dhibaatooyin badan, eeddo qarniyo hore dhacay baa loo xambaariyey, taas oo ay adag tahay inuu dadkiisa fahansiiyo inay ahayd taariikh been ah oo laga been abuurtay.

Waa soomaali soomaalidii kale gaar iskaga leexiyeen, waxa uu hibanayaa dulmi faro badan iyo cadaalad daro ay ku sameeyeen walaalidii soomaaliyeed ee dhalashada, diinta, dhaqanka, midabka iyo soomaalinimada la wadaagay guumeeyeen oo ay ka dhigeen qoomiyad ka gaar ah oo shaqooyinka hoose mooyee shaqooyinka kale aan loo dhiibin.

Bulshadan aan ka hadlaya waxay qabtaan shaqooyinka ay dunidda

horumaray ku faanaan ee wax soo saarka warshadaha sida agabka wax la iskaga difaaco ee ay ka mid tahay waranka, faashka, Toorrey, gudin iyo wixii bir dhalaalinteedda, halka kabaha iyo wixi wax soo saar ah iyagu soo saaraan. Hadaba, talow ma aragtidooda dheer ee ay dadka kaga horeeyaan baa bulshaddii kale qoonsatay, ma farsamoyaqaanimadda lagu haystaa, illa hada lama garanayo sababta loo takoorey cid ka jawaabi kartaana ma jirto.
Dulmanne wuxuu ka mid yahay dadka aan ka hadlayo ee dulmiga badan ka tirsanaya walaalahood, inkastoo magaciisa la odhan Dulmane, haseyeeshee aniga ula baxay si aan u ilaaliyo sharafta qofka aan ka hadlayo ee aan soo xiganayo sheekadiisa.

Dulmane waa wadaad dhalinyaro ah oo madarasad ku leh Somaliland, waxa uu nooga sheekeeyey qayb ka mid ah noloshiisa iyo duruufo adag oo uu soo maray wakhtigii uu yaraa.

“Anigoo aad u yar ayaa hooyaday waxa guursatay nin Aji ah, ninkaasi wuxuu aha nin xun oo dhibaato badan aan ka kala kulmay, waxaanu igu amrey inaan shaqo tago anigoo aad u yar, hooyaday waxay igu tidhi shaqo tag oo baarashle noqo, iyado laygu amrey in uu biilka reerkana ka qaybqaato oo intiisa uu bixiyo”ayuu yidhi Dulmane.

Dulmane wax uu sheegay in habeenkii marka uu soo hoydo uu ku qasbanaa inuu qoyska ku darsado biilka, markii uu muddo sidaas ku jirey ayuu xanuunsaday, haseyeeshee odaygii reerka ayaa ku amrey in ninkan xanuunsanaya reerka laga fogeeyo oo waab-yar loogu sameeyo guriga agtiisa si aanu caruurta u gaadhsiin xanuunkan haya.

“muddo ayaan ku jirey xaaladaasi xanuunka, waxaa kolba la iisoo tuuri jirey cuntada iyadoo la iska kay ilaalinayo sidii aan qabo cudur halis ah oo dadka qaadsiinayo, aad baan u murugooday, xiitaa hooyaday baa iska kay ilaalinaysay, arrintaasi werwer iyo niyad jab bay igu abuurtay sida foosha xun ee la iskaga kay fogaynayo, waxaana go’aansaday in aan reerka ka tago marka aan ladnaado sidii baana uga cararay reerkii I karatiimeeyey”ayuu raaciyey hadalkiisa.

Dulmane markii uu bogday wuxuu go’aansaday inuu reerkooda iskaga haajiro, waxaanu gallay suuqa oo uu noqday ciyaalka suuqa ama dibjirka loo yaqaan, waxa uu nolol maalmeedkiisa ka soo saaran jirey inuu Baabuurta maydho .

Muddo ka dib wuxuu ilaahay ku hanuunieyaga dhinaca diinta, waxaanu bartay Diinta iyo quraanka, ka dibna waxa uu furtay madarasad, haseyeeshee waxa uu sheegay inuu qariyey cida uu ka soo jeedo maadaama oo uu ka baqday in madarasadda uu furtay cidiba usoo gali waydo, sidaas darteed waxa uu sheegtaa reeraha dega Kililka shanaad kuwooga ugu yaryar si aan la iskaga fogeyn ama ciyaalka looga saarin.

Markii uu iska shaqaystay ee ilaahay u barakeeyey malcaamadii uu furtay waxa xanuunsaday adeerkii hooyadii qabay, waxaanu ii sheegay inay u baahdeen reerkii ay bari hore kala dhaqaaqeen ee xumeeyey, waxa uu sheegay in qalbigiisu siin kari waayo inuu dhibaataddii ka jarto oo uu isna xumeeyo mar hadii loo baahday, haseyeeshee waxa uu qaatay talaabo wanaagsan oo ah inuu masruufo reerkii, maadaa,ma oo ay maanta hoos joogaan oo nabsigii hoos keenay.

“inkastoo oo aan masruufo oo biilka siiyo hadana caruurta hooyaday dhashay ima sheegtaan wayna iska kay ilaalinayaan oo waxay diidaan inay dadku isku kaayo arko ama la ogaado inaanu walaalo nahay, bal qiyaas caruurtiina oo iska kaa fogaynaya oo aan jeclayn in la isku kaayo arko, iyadoo ujeedadu tahay reerka aan ka soo jeedo oo ah kuwo soomaalidu takoorto”ayuu yidhi dulmane.

Markii uu ka waramay dhibaatadii qoyskooda kala qabtay waxa uu sheegay in reerka uu ka soo jeeda ee la hayb sooco ay adag tahay inuu shirkadaha waaweyn ama meheradaha ganacsiga ka shaqeeyo waayo qofka marka la shaqaalaysiinayo shirkaduhu damiin bay rabaan, iyaguna ma leh qof damiinta.

Tusaale ahaan haddii shaqadii shirkaddu ama ganacsaduhu u baahnaa aad soo buuxiso ee dhinac walba lagaa eego inaad shaqadaasi qaban karto ugu dambeyn waxa lagugu xidhayaa inaad haysato qof lacag leh ama hanti leh ama la garanayo oo ku damiinta, taasina waa shuruud ku adag beelaha la hayb sooco.

Sidaynu la soconno marka shaqaale shirkaduhu qoranayaan ama ganacsatadda bakhaarleydu qaadanayso waxa lagu xidhaa qofka shaqo doonka ah qof damiin ka noqdo oo hadii wax dhacaan lagala xisaabtamo, haseyeeshee beelaha la hayb sooco way ku adag tahay inay damiinkaasi keensadaan oo inta badan ganacsigooddu waa heer hoose qof qofka ka soo dhex baxaana wuxu noqdaa kaligii noole naftiisa uun la jecel horumarka, waana caqabadaha haysta dadkaasi. Taas ayaa keentay in laga dhex waayo meelaha wax lagu kala gooyo ama taladda wadanku ka go’do.

barkhadladiif@hotmail.com