Madaxweynuhu Inuu Kala Caashaqo Oo Sumad Gaar ah Ukala Yeelo Gobolada iyo Magaalooyinka Dalka Waa Xaaraan Jaamacadahana Kala Qeybiyo

Sunaha Dawlladnimo iyo Xilka Qaran ee aad umadda u hayso ayaa kugu Waajibinaya inaanad kala Jeclaan Dalkaaga iyo Dadkaaga Waxaa Madaxweynaha Ceeb ku ah inuu kala jeclaysto Magaalooyinka iyo Gobolada dalka oo Qaarna Jamaacadaha Maxaa yeelay marka layidhaa Ardeydii Jaamacada Hargeysa ayuu Shahaadada u Taabtey Madaxweynuhu oo qalinjabintoodii Xafladii farxada kala qeyb galey iyo Kuwii Boorame iyo Kuwii Gabiley Kuwii Burcana ka aamusey ama iska diidey in uu kala qeyb galo Sida ka Muuqata Raali galinta Ardeyda Madaxtooyadu ka Raali galinayso.

Haddaba Inkastoo aan in baddan ka hadley Goldoloolooyinka ka muuqda Xukuumada Muuse Biixi iyo Dhaliilaha haysta Xukuumadiisa Waxa maalinba maalinta

ka Dambeysa Dadweynaha hor imanaya qoddobo badan oo Kaga sii hadley Arimaha Xaqiiqda ah ee Taagan iyo Mushkiladaha dhe, Socda Xukuumadiisa Waxaa Tusaale inooku Filan Sadex qodob oo Is Burinaya oo ka Muuqda Warsaxaafadeedka kasoo Baxey Madaxtooyadda kuwaas oo aan is qabanayn Waa Marka Koowaade Waxa lagu Raali galiyey Ardeyda Burco in aanu Madaxweynuhu kala qeyb galin Xafladii Qalinjabintooda oo ay iyagu Culayskii arintaa xajin waayeen halka Haddana Warsaxaafadeedkaasi khaladka arinta Saarayo Maamulka Jaamacada Burco oo aan Soo Wargalinin iyo Waliba in lagu Durrey Agaasimihii Madaxtooyadda oo Ka qeyb galey Xaflada Waxa lagu Sheegay in aanu Xukuumada Ku matelin ee uu Iskii uga Qeyb galey taasina Waa Dhibaato Maamul oo Dhextaala Qasriga Madaxtooyada.

Sikasta oo ay tahey aynu eegno bal inta Muuse Biixi taladiisa iyo Xukuumadiisuba dalka kasii taliyaan Waagii Beryaba Wax qaloocda Mooyaane Wax toosayaa majiraan habayaraatee. Anigu Sanadka in aanay dhameysaneyn ayaan u qiyaasay

Najiib ismaaciil.Maxamed
Gabiley Somaliland
Tell:0634466339