Somaliland Weli May Fahmin Isbedel Ethiopia Ka Socda Oo Qar Bayjafaysaa Aan Abiy Ahmed Niyad U Hayn.

Isbedel ka weyn ee ka bilaabmay Ethiopia ma khuseeya oo qudha Ethiopia ee wuxuu khuseeyaa Geeskoo dhan, Afrikoo dhan, iyo caalamka ka kaleba.

Inay Xukuumadda Somaliland ka dhacsantay oonay fahmin isbedel ka ABIY AHMED hogaaminaya qabiilka reer qudha oo Somaliland ka mida oo Saami qaybsi Abiy Ahmed uu doontay, arinkaasi waa wax maqaamkiisu liito aan Dawlad degaanka iyo Federal ka Ethiopia aanay soo dhoweyn doonin. Isbedel kan Ethiopia ka socda ama Dawlad Degaanka Somalida ka socda reer ma wado ama reer Somaliyi ma wadaan waa in Somaliland fahantaa oo Madaxweyne Muse Biixi fahmaa in Raiisal Wasaare in dheer garadi isbdelka wado ee meel fog wax

ka arkayaa oo Dawladaha waaweynina kula socdaan qaarkood. Arintini waxay Dawladda Federal ka Ethiopia tusaysaa Somaliland dawladeedu inaanay ummad ahaan u wada Socon hadaf Ummadeed a ka jirin Somaliland ee Siyaasad reerraysan yihiin taa a hubaal Abiy Ahmed, (appetite) uma hayo. Waxaan anigu Muse Biixi hadduu Website da Somaliland akhriyo odhan lahaa inuu soo celiyo Weftiga Subeer Awel kuwa kale reeraha kale ee diyaar garoobayana joojiyo waayo maalin walba Siyaasad ceeb dhasha uma taag hayno, Siyaasaddii Siilaanyo ayaa dhibaatadeedii wadanku la liitaa weli.
WAA in Xukuumaddu diyaarisaa wefti beelaha Somaliland oo dhan hogaanka DHAQAN ka kooban oo Suldaan ka guud ee Somaliland hoggaaminayo laakiin barnaamij Dawladdu la dhistay iyo arin qudha ah oo cod qudha ah oo leh Abiy Ahmadaw waa nakkan dadka Dawlad Degaanka Somalida ee Somaliland oo Suldaan ka maqani aanuu jirin min Laasqoray, SOOL illaa Lawyacaddo iyo inta u dexeysa. Shaqaynayso inaynu jilib jilib u taagnaa si wax la inoo siiyana lama garan karo.

milgob@hotmail.com