17 Qof Oo Ku Dhintay Shil Diyaaradeed Oo Ka Dhacay Dalka Itoobiya

(SLT-Addis Ababa)-17 Qof ayaa ku dhintay kadib markii diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah oo ay lahaayeen Militariga dalka Itoobiya ay ku burburtay maanta deegaanka Lume Ejereti ee dalkaasi Itoobiya.

Diyaaradda ayaa waxa ay kasoo duushay Magaalada Diridhaba iyada oo kusii jeedday magaalada Bushoftu oo dhinaca bari ka xigta Diridhaba, sida ay sheegtay wakaalada wararka ee ENA.

Dhammaan rakaabkii saarnaa diyaaradda oo ay ku jireen Askar ka tirsan Militariga Itoobiya ayaa dhammaantood ku dhintay shilkaasi oo ka dhacay deegaan 100km u jira caasimadda dalka Itoobiya ee Addis ababa, waxaana la sheegay in diyaaradda ay hawada kusoo gubatay kahor inta aanay kusoo dhicin dhulka; sida laga soo xigtay wakaalada wararka ENA.

Illaa iyo hadda dawladda Itoobiya kamay hadal sababta ka dambeysay shilkan balse Baadhitaano kusaabsan arrintaasi ayay wadaan ciidamada ammaanka Itoobiya.