Connect with us

somalilandtoday.com

Xukuumadda Somaliland Oo Ku Dhawaaqday Inay Xakamayn Doonto Qiimaha Ascaarta, Iyo Ujeedada Farriin Digniin Ah Oo Ay U Dirtay Ganacsatada Dalka

focus

Xukuumadda Somaliland Oo Ku Dhawaaqday Inay Xakamayn Doonto Qiimaha Ascaarta, Iyo Ujeedada Farriin Digniin Ah Oo Ay U Dirtay Ganacsatada Dalka

“Ascaarta, Oo Ganacsatadu Sidaynu Ognahay Qiimaha Ay Doonaan Ayey Siiyaan Ascaarta, Waxaanay Ka Faa’iideysteen Suuqeena Xorta Ah, Ma Noqon Doono…” Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga, Wershadaha iyo Dalxiiska

(SLT-Hargeysa)-Masuuliyiinta Wasaaradda Ganacsiga, Wershadaha iyo Dalxiiska JSL, ayaa ku dhawaaqay inay xakamayn doonaan qiimaha ascaarta, isla markaana waxay digniin u direen Ganacsatada dalka.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Ganacsiga, Wershadaha iyo Dalxiiska Md Mustafe Maxamuud Cali, ayaa shalay ku dhawaaqay billowga Barnaamij lagu dardar gelinayo hawlaha ganacsiga, waxaanu ugu horreyn ka warramay ujeedada barnaamijkan iyo ahmiyadda uu leeyahay, waxaanu yidhi, “Barnaamijkaasi nuxurkiisu waa inay ganacsatadu qaataan Liisanka Ganacsiga, wixii aan qaadan ee uu ka dhacsanyahayna ay soo cusbooneysiistaan, Hadda ka hor waqti ayaanu siinay oo digniin ayey qabeen oo ganacsatadu, ciddii uu liisanku ka dhacsanyahay waqti ay ku cusbooneysiistaan way qabeen, mar labaad ayaanu ugu celinaynaa”. Waxaanu intaasi ku daray, “Shan cisho ka dib waxaanu bilaabaynaa tallaabadii laga qaadi lahaa ciddii aan liisan haysan, waxaananu ku xigsiinaynaa oo aanu gelinaynaa kooxihii iyo ciidankii wax ka qaban lahaa, ciddii intaa ku qaadan weydana Liisanka, waxaanu ka qaadaynaa tallaabo cad oo ganacsigooduna wuu ka xidhmayaa”.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Ganacsiga, Wershadaha iyo Dalxiiska Md Mustafe Maxamuud Cali, waxa kale oo uu ka digay in Ganacsatadu qiimaha ay doonaan siiyaan Ascaarta, waxaanu sheegay inay xakamayn doonaan oo ay la socon doonaan, “Waxaanu ku xigsiinaynaa in aanu kaantaroolno Ascaarta, oo ganacsatadu sidaynu ognahay qiimaha ay doonaan ayey siiyaan ascaarta, waxaanay ka faa’iideysteen suuqeena xorta ah, suuquna xor ma noqon doono oo dadweynaha annaga ayaa ka masuul ah, wixii dhibaya dadweynaha waxaanu suuqa ku sii deyn doonaa kooxo, ganacsatadana waa lala socon doonaa”.

Sidoo kalena, Agaasimaha guud waxa uu codsi u diray Ganacsatada, “Ganacsatadu waa dad muwaadiniin ah oo xil ayaa ka saaran inay ilaaliyaan sharciga dadka iyo dalka u yaalla, Ganacsatadu waa inay qaataan liisankooda oo wixii cashuur ah ee dawladdu ka rabto waa inay bixiyaan”.

Dhinaca kalena, Agaasimaha Waaxda Ganacsiga Aadan Cilmi Axmed ayaa isaguna baaq u diray Ganacsatada, waxaanu yidhi “Ganacsade waxaad ogaataa inay masuuliyada ugu weyn ee dadku cidda ay saaran tahay inaad ka mid tahay, ganacsiguna waa mishiinka wareejiya dawladnimada sida Nabadgelyada, haddii aanu waddan dhaqaale haysan waxba ma qaban karayo, waxaanay dawlad kastaa ku taagan tahay siday ganacsatadoodu u bixiyaan cashuurta”. Ayuu yidhi Agaasimaha Waaxda Ganacsigu

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top