“Waa Wax Aad Loola Yaabo Wixii Ka Dhacay Barlamaanka, Guddoomiyaha Wakiiladu Xaq Umuu Lahayn Inuu Yidhaahdo Xaalbaan Bixiyay …” Prof. Buubaa

(SLT-Hargeysa)-Siyaasiga Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubaa, oo ka mid ah Siyaasiyiinta Somaliland iyo Masuuliyiinta Xisbiga Waddani, ayaa ka hadlay marxalada siyaasadeed ee uu dalku marayo, ilaalinta hantida umadda iyo amuuro kale.

Prof:Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubaa, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn isagoo ka hadlaya dhibaatooyinka dadka reer Somaliland soo maray iyo waxaa kala gudboon Xukuumadda Somaliland inay wax ka qabato ayaa yidhi “Wixii dhibaato ah ee wadankani soo maray Dawlad iyo Dadweynaba waa inay daacad ka noqdaan, dhibaatooyin fara badan baa soo gaadhay umaddan reer Somaliland, markaas waa inay Dawladdu isku dayday inay wax ka qabato dhibaato walba uu umadda soo gaadhay, siday doontaba ha u soo gaadhe”.

Prof:Buubaa mar uu ka hadlaayey Wakiilada iyo hantida umadda ayaa yidhi “Wax aad loola yaabo weeye wixii Barlamaanka ka dhacay, Guddida ilaalinta hantida umadduna waxay xaq u leedahay inay wixii warbixin ah ay u soo qadinto Barlamaanka, kadibna uu Barlamaanku fadhiisto, laga doodo, ama la aqbalo ama la diido, laakiin Guddoomiyaha Wakiiladu xaq uma laha inuu yidhaahdo aniga arinkaas si gaar ah u xidhay, ama anigaa joojiyey, xaqaas waxa iska leh Barlamaanka, waxayna u eegtay in maamuskii Barlamaankii oo meel lagaga dhacay, qaanuunkii oo meel lagaga dhacay, xuquuqdii Shacabka reer Somaliland oo qof si gaar ah ugu takrifalay, wuxuu doonana ka yeelay, Ragga musuq-maasuqa sameeyey xuquuqdii dadka ayey ku tunteen, waxaana imika layaab leh in Guddoomiyihii Wakiiladu uu ka baarcaddeeyo, sidii xuquuqda dadka loogu sii tuman lahaa”

Prof:Buubaa mar uu ka hadlaayey sida hantida umadda loo ilaalin karo ayaa yidhi “In Barlamaanka la soo hor dhigo waxan, laga doodo, kadibna loo gudbiyo Fulinta iyo Maxkamadda, Barlamaanku kiis ma qaado, ee uu soo gudbiyaa, dambigu sida uu u dhacay, iyo siday wax u dhaceen, Xeer ilaalinta guud iyo Fulinta ayaa kadibna Maxkamadda geyn lahayd, Maxkamadda ayaa markaas xaq u leh in wixii arintaas ku sabsan inay qareeraha ah ka qaadato, oo cadaalada ku saleeysan, runta ku saleeysan, yuhuunta iyo wada jirka umadda Somaliland ku saleeysan, ee xuuqda umadda Somaliland ee sida cad loogu tuntay in wax laga qabto weeye, waana la yaab inuu Guddoomiyaha Wakiiladu yidhaahdo xukun baan ridayaa, xaqna uma laha”.

Mar uu ka hadlaayey daandaansiga Puntland ayaa yidhi “Waxa Loo baahan yahay inuu Ciidanku midoobaw, inuu Ciidanku wada shaqeeyo, wixii loo igmaday ee ah difaaca wadankana waajibaadkooda ka qaatan, wuxuu Ciidanku u baahan yahay si degan oo danaha umadda ku saleeysan inuu Ciidanku u dhaqan galo, oo dhaqankiisa iyo dhismihiisuba yeeshaan dhisme cadaalad ku saleeysan. Qof kasta oo reer Somaliland waxaa xaq loogu leeyahay inuu difaaco wadanka, laakiin ciddii loo igmaday xuquuqda dalka iyo dadkaba difaaceeda oo yuhuun iyo walaaltinimo iyo isku mid ahaan milatariga ka dhex sameeyn kari waayo, oo loo qaato in cid gaar ahi iska leedahay Milatariga, taas ayaa keenaysa in dadku kala jabo, oo dhibaato ku timaado Ciidanka Somaliland, Dawladdu wax ha ka qabato waxyaabaha ciidankeena dhexdiisa ka abuuraya kala qaybsanaan iyo xaqii loogu lahaa inay dalka difaacan oo gaabis ku yimaado iyo xaqsoor la’aanta la tabanayo”.