Connect with us

somalilandtoday.com

Fadliga Maalinta Barakeysan Ee Carrafa Iyo Ajarka U Sugnaaday Qofka Maalintaasi Sooma!

focus

Fadliga Maalinta Barakeysan Ee Carrafa Iyo Ajarka U Sugnaaday Qofka Maalintaasi Sooma!

(SLT-Hargeysa)-Fadliga Maalinta Barakeysan ee Carrafa ayaa ah mid aad u badan kaasi oo aynaan halkani ku soo koobi karin. Xadiiska uu soo weriyey Cabdillaahi Bin Camro Bin Al- Caas Ilaahay Raalli ha ka ahaadee ayaa waxa uu yidhi waxa uu Nabiga Muxamed NNKHA waxa uu yidhi “Ducada ugu Kheyrka badan waa ducada maalinta Carrafo, waxa ugu Kheyrka badan ee aanu nidhi Aniga iyo Nabiyadii iga horreeyay waa “Laa Ilaaha Ilaa Alaah Waxdahu Laa Shariika Laahu Lahu Mulk Wallah Al Xamd Wahuwa Callaa Kuli Shayin Qadiir”. waxa weriyay Al-tirmidi.

Xadiiskaasi ayaa waxa uu inoo caddaynayaa in Ducada Maalinta Barakeysan ee Carrafa ay tahay mid aad u muhiim ah sidaasi awgeed uu Nabigeeni NNKHA uu xadiiskaasi inoogi caddeeyay Ducadii uu Akhrisan jiray maalintaasi, sidoo kalena ay Anbiyadii ka horreeyay ay Ducadaasi ku duceysan jireen Maalinta Carrafo ee Maanta ku beegan, Halkan hoose ka DAAWO Sheekh Cabdullaahi Barbaraawi oo ka waramaya Fadliga Maalinta Carafo

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top