Wasiirka Arrimaha Gudaha JSl Iyo Wafti Uu Hogaaminayo Oo Maalintii Labaad Socdaal Ku Maray Qaybo Kamida Deegaanada Ay Degaan Beelihii Nabada Loo Soo Xidhay.

Ceel Afweyn (Somalilandtoday)- Wasiirka Arrimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed iyo Wafti uu Hogaaminayo Ayaa Saaka Kormeer nabad xidhisa Maalintii 2aad Kusoo Maray Deegaanada Siigadheer, Sincaro Iyo Fadhigaab.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa Waxaa Safarkiisan ku wehelinayey Agaasimaha Guud Ee Amniga Qaranka, Wasiirka Dhalinyarada iyo ciyaaraha Boos Mire Maxamed, Wasiirka Xanaanada Xoolaha Iyo Kalluumaysiga Xasan Gaafaadhi, Hogaan Ku Xigeenka Qarshaynta Ciidanka Boliska G/sare Jaamac Guud Cadde, Taliyaha Qaybta Gobolka Sanaag Ee Ciidanka Milatariga Kornayl Faysal Abdi Bootaana , Sulaadiinta ,Cuqaasha Labada Dhinac iyo waliba Saraakiil Kale.

Waftiga Uu hogaaminayo wasiirka Arrimaha Gudaha JSl Maxamed Kaahin Axmed ayaa dhamaanba Bulshada ku Dhaqan Tuulooyinka Kala Hadlay Fagaarayaal ay iskugu soo baxeen waxaana ay si habsami ah u gaadhsiiyeen In nabadii lasoo xidhay cidii danbe ee hub lagu arkana ay ciidamada kala duwan ee qaranku ku amran yihiin inay kala wareegaan.

Tuulooyinka Saaka Waftigu Kormeerka ku marayey oo dhamaantooba ahaa kuwa nabdoon oo bulshadu is dhex gashay ayaa waxaa dadweynaha fagaarayaasha kala hadlay Sulaadiinta iyo cuqaasha labada beelood. Waxaana ugu danbayntii halkaasi soo xidhayey xubin kamida wasiirada iyaga oo wasiiradu socod luga ku maray badhtama magaalooyinkaasi kor ku xusan iyaga oo dadweynuhuna gacmaha is haysta