Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Oo Shaqada Laga Joojiyay

(SLT-Muqdisho)-Wararka ka imanaya magaalaad Muqdisho ayaa sheegaya in shaqada laga joojiyay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha dibadda.

Wareegto ka soo baxday Xafiiska R/wasaaraha Soomaaliya ayaa shaqada looga joojiyay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha dibadda xukuumadda Fedaraalka Mukhtaar Mahad Daa/uud.

Hanti-dhowraha guud ee Soomaaliya ayaa horay u sheegay in 4-tii April ee sanadkan uu gal dacwadeed ka dhan ah wasiir ku xigeenka u gudbiyay xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee qaranka taasoo la xiriirtay ku takri falka hantida qaranka.

Hasa yeeshee warsaxaafadeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibedda ayaa lagu beeniyay eedeymahaasi.