Nuxurka Kulan Magaalada Nairobi Ku Dhex-Maray Faysal Cali Waraabe Iyo Halgamaa Qalbi-Dhagax

(SLT-Nairobi)-Magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya waxa kulan gaar ah ku yeeshay guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe iyo Cabdikariim Sheekh Muuse Qalbi-dhagax oo kamid ah jabhadda ONLF. Kullankani ayaa la sheegay in Faysal Cali Waraabe iyo Qalbi-dhagax in ay arrimo badan kaga wada hadleen.

 

Sawirraan lagu baahiyey baraha bulshada ayaa muujinaya Faysal Cali Waraabe iyo Qalbi-dhagax oo sawir ku wada jira.

Faahfaahin dheeriya lagama helin arrimaha ay ka wada hadleen Faysal iyo Qalbi-dhagax.

Waxa xusid mudan in guddoomiyaha xisbiga mucaaridka Somaliland Ucid Eng. Fayasal Cali Waraabe uu bishii la soo dhaafay ku dhawaaqay in Hargeysa lagu casuumi doono Cabdikariim Qalbi-dhagax oo dhawaan laga soo dayay xabsi guri ku yaalla Itoobiya kadib markii dawladda federaalka Soomaaliya ay u gacan gelisay Itoobiya iyada oo ku eeday argagixiso iyo in aanu ahayn nin dhallasho Soomaali ah sitta.