Connect with us

somalilandtoday.com

“Muuse Biixi Waa Inuu Talaabo Adag Ka Qaadaa, Cidda Lunsata Hantida Umadda, Goorta Ay Doonaan Ha Lunsadaane Waa Wax Lagu Leeyahay” Maxamed Xaashi

advertise

“Muuse Biixi Waa Inuu Talaabo Adag Ka Qaadaa, Cidda Lunsata Hantida Umadda, Goorta Ay Doonaan Ha Lunsadaane Waa Wax Lagu Leeyahay” Maxamed Xaashi

(SLT-Hargeysa)-Eng:Maxamed Xaashi Cilmi, ayaa ka hadlay xaalada siyaasadeed ee uu dalku marayo, ilaalinta hantida umadda iyo Xukuumaddihii talada dalka u kala dambeeyey.

Eng:Maxamed Xaashi Cilmi, oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay aragtidiisa ku waajahan amuuro badan. Isagoo ka hadlaya madaxweynayaashii dalka soo maray wuxuu yidhi “Afartii Madaxweyne ee hore ee Somaliland soo maray, laba wey dhinteen, labana wey nool yihiin, labada nool ayaa haboon inaynu ka hadalno, ka soo qaad Rayaale tiiyo afar bilood shaqaalihii mushaharkii la yahay, oo ciidamadii laba bilood la yihiin, oo Rashiinkii Ciidamadda, Rashiinkii Jeelasha iyo Rashiinkii Cisbitaalada, ay istaageen ayuu u guuray Faransiiska oo uu Guryo ka iibsaday, oo halkaas Caruurtiisi guryo kaga daray”

Eng: Maxamed Xaashi mar uu ka hadlaayey Axmed Siillaanyo iyo Xukuumadiisi ayaa yidhi “Axmed Siillaanyo u kaalay, wuxuu yidhi wax alaale wixii la gurtay ee Adduun ahaa, aynu faraha ka qaadno, markii uu gurigiisi hore uu Xafiiska ka sii dhigtay, intii la dhisayey Madaxtooyada, ayaan u soo galay, waxa la fadhiyey, Xirsi iyo Maxamed Cabdilaahi wuxuu yidhi “Wixii inaga horeeyey aynu iska dhaafno”, markaas ayaan weydiiyey, oo aan ku idhi Madaxweyne xoolo umaddeed oo la xaday, oo la dhacay yaa saamixi kara, wey aamuseen, waxaan ku caliyey markii la aamusay, waxaynu imika balaqaynaa albaabkii musuq-maasuqa, oo nin walba wuxuu odhanayaa kaasba waa la daayey, maxa aniga la ii sheeganayaa, markaas miyeynu ka baxaynaa, markaas haddana waa la aamusay, waxaan ku idhi waan weyso qabaa, kolay markay arintaasi ku soo baxdo in aan anigu idinka duwaana saddexdiina oo aanan idinku raacsanayn ha la dhaafo wixii markhaatigaas ha igala bakhaylina, markaas ayaan iskaga tagay, toddobaatan Wasiirna looma baahnayn, haddii aynu nidhaahno, wixii shaqo la’ oo dhan aynu shaqo siino, oo mushaharuun ha qaateen, waa khasaare, dalkuna horumar ma gaadhi karo”.

Eng:Maxamed Xaashi mar uu baaq u diraayey Madaxweyne Muuse Biixi ayaa yidhi “Akhiro ayaa la tagayaa, xilkan umadda loo hayana waa loo dhaartay, kitaab baa loo maray, waana in sida ugu haboon loo hayaa xilkaas umadda, hantidoodana loo ilaaliya, nimankan Madaxda inoo ahi xisaabta wey ilabaan, in akhiro lala xisaabtamayana wey ka maqan tahay, taasina wax socon kara maaha, Muuse Biixina waa inuu talaabo adag ka qaadaa, cidda lunsata hantida umadda, goorta ay doonaan ha lunsadaane waa wax lagu leeyahay, cidda ay ku maqan tahay hantida umadda ee markhaati loo hayo, waa in talaabo laga qaada”

Mar uu baaq u diraayey maamuska Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa iyo labada Gole Barlamaan ayaa yidhi “Waxa iyana meesha taala oo ay tahay in laga daba tago, xeerka maamuska Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka iyo sagootiska Xildhibaanada Barlamaanka, labada Golaba, lacag baa loo qoray, Barlamaankii laba jeer bay kordhisteen, saddex kun buu qaata ninka Barlamaanka ahi, waxaana sagootiska looga dhigay, waxa la siinayaa mushahar sannad ah, marka uu xilka ka tago, umaddana ma qaadi karto, waxayna ka mid tahay caqli xumada meesha taala, ee ay ogolaadeen Siillaanyo iyo maamulkiisi”

Eng:Maxamed Xaashi mar uu ka hadlaayey qabyaalada ayaa wuxuu yidhi yidhi “Qabiil iyo Qaran isma raacan, markaynu qabiil hadal hayno, qarankuun bay ka dhiman tahay, inta la leeyahay haddii aanu reer hebel nahay, waa faan, waana laga fiican yahay, lagagama murmayo reer hebesha, ninka reer yar ka dhashay, ee fariidka ahi wuu istaahilaa in masab la siiyo, reer hebel inama anfacdo, horumarna ma laha”.

Maxamed Xaashi Cilmi mar aanu wax ka weydiinay aragtidiisa ku wajahan heshiiska Itoobiya iyo Elatariya, hadalkii Farmaajo iyo walaaca Jabuuti ayaa ku jawaabay “Jabuuti ayuu xilkaas saaran yahay, Jabuuti wey inaga hiilisay, Somaliya ayey u hiilisay, ilaa Ciidan bay geeyeen, Askartoodii baa u dhimanaysa, waxaas inagu dhacay, daris kamay qaadan, hubka ha laga qaado, oo dagaal ha bilaamo, cidna uma fiicna,Farmaajana inuu yidhaahdo may ahayn, laakiin wixii ina haystay ayuu ILLAAHAY iyagana dhinac ka tusayaa, oo ah inay nimankani xumaantuun wadaan, marka aad u fiirsatana Afweyne, kan iyo kuwii ka horeeyey waa dad aan inyar oo lexe-jeclo ah bina’aaanka u lahayn, ILLAAHAY baa wax ku tusaya Jabuuti, laakiin jabuuti inay baa’bado iyo inay wax ku dhacaan inaga danteena maaha, iyagana dantooda maaha”.

Eng:Maxamed Xaashi mar aanu wax ka weydiiyey aragtidiisa ku waajahan wada hadalada Somaliya ayaa ku jawaabay“Wixii ina gaadhay, ee Somaliya inaga gaadhay, weynu ka war qabnaa, Cali Samatar wuxuu ahaa ninkii bixiyey amarka Diyaaradaha, Somaliyana dadkii ina laayey, oo uu Morgan ka midka yahay, wuxuu xagooda ka dhigan yihiin mujaahidiin iyo geesiyaal, kolkaas ninkii ku dilay ninka geesiga u haysta, habeena cid u xidhin, markaas ka yidhaahda aynu la xaajoono, waa nin aan waaba u bariyin, maalintii dhawayd ee dagaalkii Tukaraq Moorgan isaga ayaa ciidanka inala dagaalmaayey abaabulayey,markaas wax alaale wixii ina gaadhay, iyo dadkiini la xasuuqay, wax alaale waxay Somaliya ka garawday, ma jirto, dhawr iyo afartan qof oo ah dadkii amarada dadkeena lagu xasuuqayey bixinayey,ayaa iska jooga,ee waxaad mooda sidii aynu inagu barigii hore u waalnayn, ee aynu u doonaynay xoriyadooda, inay imikana waalidii ina hayso, oo niman dhalinyaro ah oo PHD, haysta, oo dhibaatooyinkaas la inagu sameeyey, aanay damqayn, ayaa waxay qaban Somaliya ha la wada hadlo, Somaliyana niman wada hadal wax lagaga helayo maaha, kolkaas ninkii ku dilay kuwa u haysta geesi, wax idinka dhexayn karaa ma jiro, cida sidaas ku fikirisaana waa cid aan habeen jirin”.

Eng:Maxamed Xaashi mar uu ka hadlaayey Beesha Caalamka iyo fikirkooda ku waajahan Somaliland iyo Somaliya ayaa yidhi “Caalamkuna meel buu inagaga dhacay, oo Somaliya inaga ayaa dawladnimada ka hor helnay, inaga ayey ahayd inay ina daba galaan, inagii ayey Caalamku yidhaahdeen daba gala, taasina wax meesha ku jira maaha, waa dad dhiigii ka dhammaaday, dheecankiina ka dhammaaday,kuna leh ha la wada hadalo, waayo wax laga wada hadlaa sida runta ah ma yaalo, qadarin ay ku hayaana ma jirto,waa in loo fiirsadaa kalimaadka la iska odhanayo, nimankan dhalinyaradi ahi waxay aaminsan yihiin in wada hadal wax lagu dhammeeyo, maxa wada hadal lagu dhamayn, kii ku dilay, iyo kuwii ku laayey, ayey geesiyaal u haystaane, ee Moorgan may xidhaan, Cali Samatar, oo aynu ogeyn sida uu dadkeena u xasuuqay, ayey aas qaran u sameeyeen, intii kale ee dadka laynayey suuqyada ayey ku jraan, Afweyne amar buu bixiyey inuu shacabka reer Somaliland ka takhaluso,Rag gaar ah ayaana loo sameeyey, dadkeena la laayo, ayaa intay sawiro ka qaadaan ayey Afweyne u geyn jireen, si uu abaal gud u siiyo, inaynu la hadalnana wax ina anfaca maaha, cida leh aynu Somaliya la hadalno, caqlina ma laha, aragtina ma laha, maxaynu kala hadli nin ku dilaya, oo aan ogolayn inaad noolato, ama keenan xoogaga ku qaadanaya, ee la leeyahay ka soo shaqee, ama Hay’addi ha wadato ama Dawladdi ha wadate, caqli xumo ayaa meesha taala.”

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in advertise

To Top