Somaliland Fursadaha ay haysato doorkeeda ma ka ciyaari karta isbedeladda ka socda Bariga Afrika?Faallo:Barkhad-Ladiif M. Cumar.

Somaliland waxay haysataa fursado badan oo ay kaga faa’iidaysan karto isbedelka ka socda geeska Afrika, inkasto ay hadda u muuqato inay daawade ka tahay oo ay sugayso halka ay ku dambayso isbeladdan socdaa.

Somaliland waxay daris yihiin Itoobiya oo saamayn weyn ku dhex leh Afrika iyo aduunkaba,hadii albaabkeedu ka xidhmana ay adag tahay sidaad usoo muuqataa ama aad go’doon siyaasadeed gali kartaa.

Itoobiya waxa hogaanka qabsaday siyaasiyiin da’yar oo wax weyn ku soo kordhiyey bariga Afrika oo furfuray siyaasaddii, iyadoo ay heshiiyeen dalal muddo badan col ahaa, nasiib daro wali Somaliland lama kulmin Ra’isal wasaaraha Cusub Abiy Ahmed, wuxuuna u muuqda mid yaraysanaya awoodda Somaliland

iyo jiritaankeeda.
Ra’isal wasaare Abiy Ahmed wuxu doonay inuu bariga Afrika ka dhigo wadamo xasiloon oo dagaalo iyo khilaafaadka jira la soo afjaro.

Arrimahan is barkan waxay Somaliland ku keenaysa go’doon siyaasadeed hadii ay talaabo qaadi waydo, waxaanay haysata Fursado ay kaga qaybgali karto hirdanka siyaasadeed ee geeska ka socda.

Fursadaha ay haysataana waxay kala yihiin sidan hoos ku qoran:

Somaliland waxay door ku dhex yeelan karta Itoobiya dhexdeedda, iyadoo uga faa’iidaysanaysa xidhiidhka dhaqan dhaqaale ee ka dhexeeya Oromadda iyo Somaliland iyo Soomaalidda Kililka iyo Somaliland.

1. Qoomiyadda Oromadu waxay ku xidhan tahay Dekada Berbera iyo suuqa Wajaale, haddii dekadda si dhakhso ah loo balaadhiyo waxay quudin karta bariga Itoobiya oo dhan, gaar ahaan Oromadda iyo Soomaalida oo dhulka u badan Itoobiya degan, halka Dekadda Eritrea qoomiyadaha kale ee u dhow dhow quudinayso .

Sidoo kale, wax soo saarka Oromadda haday tahay Jaad iyo khudaarba waxa u ah suuq weyn Somaliland oo lacag badani ka soo gashaa, sidaas darteed danaha Somaliland waxay usii maraysa Oromadda, taas oo cadaadis ku saari karta Ra’isal wasaarahoodda, tusaale ahaan hadii Somaliland gabi ahaan joojisay Jaadka waxay toos u taabanaysa Oromadda oo dhaqaalihii badnaa ee ay ka heli jireen ku waayeya, waxaynu og nahay mudadii yaraa ee Mudaharaadku socday ee Jaadka ay joojiyeen ilaa imika inay ka soo waasaq laadahay Itoobiya oo hoos u dhac weyni ku dhacay, waana ta keentay in Imaaraadku lacag cadaan ah ku caawiyo si dhaqaalaha kor loogu qaado. Bal ka waran hadii Jaadka iyo Suuqa Wajaale ee ay ku xidhan yihiin la xidho oo xadka laga xidho miyeyna si toos ah u taabanayn dhaqaalihii Oromadda, sidaas bay Somaliland ku haysataa fursado ay wax kula gorgortami karto Itoobiya kuna muujin karta awoodeedda..

2. Dawlad deegaanka Soomaalidda Itoobiya isbedel baa ka socda, waxaana la doonayaa in xisbiyo laga hirgaliyo, hadii Somaliland door ku yeelato oo siyaasiyiinta qaar dhabarka soo taabato oo xisbiyo u furto oo danno badan tusto, isla markaana ay awoodda saarto sidii xisbiyadaaasi ay wadato usoo bixi lahaayeen, taas miyeyna Itoobiya dhexdeedda saamayn ku yeelanayn Somaliland.

Hadii Oromadda iyo Soomaalida Deegaanka oo labaduba Itoobiyaan ah ay kasbato miyeyna salaan ay u marto dawladda dhexe noqon karin.Sidaas darteed, labadaasi arrin hadii xooga saaraan waxay Itoobiya dhexdeeda ku yeelan karaan awood,isla markaana ay ka dhex muuqan kartaa hirdanka siyaasadaha geeska Afrika, waayo Itoobiya waa Albaabka laga gallo Afrika waxaana ku yaalla xaruntii midowga Afrika.

3. Sidoo kale, waxa fursad kale u ah Somaliland saaxiibtinimada Imaaraadka oo door weyn ku leh siyaasadda geeska, isla markaana Saaxiib la leh Somaliland iyo Itoobiya, waxay Somaliland u adeegsan karta danaheeda iyo inay xidhiidhkooda fiicneeyo.

Su’aashu waxay tahay Somaliland diyaar ma u tahay inay siyaasadaha iyo isbedelka socda la jaanqaado, mise waxay sugaysa intay kala miirmayso oo lagu kala hagaagayo, soomaalidu waxay ku maahmaahda “Gees Lo’aad kulaylka lagu gooyaa, inta hawluhu cusub yihiin hadii aanad geesta ka raacin ogow siyaasadaadu kuma sugays barteedana ma taagnaanayso.