Jeegaanta Midbaa Seegtay, Garaxjisna midbaa Seegtay, Xaalka Ciise Muuse?

Jeegaanta Midbaa Seegtay, Garaxjisna midbaa Seegtay, Xaalka Ciise Muuse?. Madaxweyne Muuse Biixi Maka Baydhi doonaa Jidka Burburka Mise?, Xagey ku Danbaysay Kalsoonidii Shalay laguguu doortay, yaase Fure u ahaa guushaadii?. Qaybtii 3-aad W/Q Aqoonyahan Saki Saleeban Xasan (Saki Xuquuq).

Qaybtan 3-aad ee qormooyinkeeni taxanaha ahaa, waxaynu kusoo qaadan doona jaanisyada Siyaasadeed ee sahlaya in kooxda jeegaantu xukunka dalka gacanta ku sii hayso Iyo taas bedelkeeda oo ah in Garxajis jaanisyadii uu dayacay Dib uga taba-tago, isla markaana xukunka talada dalka si ay gacanta ugu dhigaan. Hase-yeeshee waxan mar 3-aad ka

afeefanayaa Magacyada Beelaha oo aan kusoo qaadan doonaa in aanay ahayn qabyaalad in looga dan leeyahay, balse aynu kaga waramayno dhacdooyin taarikheed iyo isbahaysiyo Siyaasadeed oo beeleed Xukunka Somaliland lagu kala hantiyi jiray waqtiyo aynu soo dhaafnay, sidaas daraadeedna waxa khasab ah in magacyada Beelaha la xuso.

Qodobka 1-aad ee qaybtan waxaynu kusoo qaadan-doona qaabka Beelaha Garxajis Siyaasadoodu u guulaysan karto. Inagoo Qodobka 2-aadna kusoo qaadan-doona Tolow Ilahay mar sadexaad Jeegaanta Toobada guusha ma garansiin, mise taas bedelkeeda hadii la noolaado waxaynu arki doonaa Jeegaanta oo cabanaysa. Qodobka 3-aad waxaynu ku eegi doonaa, Jagada dhaxalka labada reerka dhaxaysa noqday ee Gudoomiyaha X. Kulmiye, doorkan cid aan Sacad Muuse iyo Habar-jeclo ahayn Madaxweyne Muuse ma u carbin doona si loo helo qaran ka baxa xulufooyinka beeleysan iyo isbahaysiyada qabyaaladeed. Qodobka 4-aad, Waxaynu isna ku eegaynaa il-duufka Madaxweyne Muuse Biixi Xukuumadiisa kusoo dhisay ma Isba qabatayn doonaa, mise toobiyaha burburka ayuu cagta saari-doonaa. Qodobka shanaadna waxaynu ku eegeynaa doorashooyinkii dhacay iyo qaabkii Beeleysnaa ee Beeluhuu ugu kala codeeyeen dorashooyinkii 2003-dii iyo 2010-kii.

Qodobka 1-aad, Beelaha Habar-yoonis horta waxay caanku ahaayeen talada inay ku wanaagsanaayeen oo aanay seegi jirin, hase-yeeshee sannooyinkii dambe waxay u muuqdaan kuwo ka leexday tubta guusha Somaliland lagu hanto. Waayo?. Waxay gabi-ahaanba indhaha ka laaliyeen cidii ay isbahaysiga Siyaasadeed ka dhaxayn jiray, kuwasoo is daawadsiiyey muraayad aanay weligoodna ku macaashay. Tusaale ahaan Habar-yoonis iyagoo guul La doonaaya Xisbiga Waddani waxay geediga u rareen jiho cusub, iyagoo xulufadooda kowaad ee isbahaysi Siyaasadeed ka dhigtay Beesha Arab oo weligeedba ahayd Jeegaanta daacad ah, iyadoo aanay Beeshaasi markeeda hore lahayn Cod cid Caabi kara, hadana waxay Beelaha Habar-yoonis u saxeexen inay ku wareejin doonan Gudoomiyaha Xisbiga Waddani. Hase-yeeshee balan-qaadkaasi Codkii Beelaha Arab ee koobnaa ismu raacin wayse qaybsameen iyagoo kala raacayn Jeegaantoodi iyo Xisbigii Waddani ee laga siiyey dhaxalka Siyaasadeed. Hadaba hadii Beelaha Habar-yoonis ay Gudoomiyaha Waddani ay ku wareejin lahaayeen xulufadoodii ay daacada isku ahaan-jireen ee Beesha Ciise Muuse ama Samaroon midkood oo ay odhan lahaayeen Waar Saaxiibayaal raali-ahaada maadaama UDUB Gacanta Habar-yoonis ku burburtay kan nala yeeshaa, waxaan qabaa inay Guulaysan lahaayeen xulufada Waddani, Ilahayse ma garansiin taladeediina ma hayaan jidkeedii.

Qodobka 2-aad, ee Jeegaanta lafteeda laga sii kala yaacayaayee guusha ma garan-doonan, markaad eegto Codkii uu kusoo baxay Madaxweyne Muuse Biixi ee qolada Waddani la dhakafaartay muu ahayn Cod Jeegaantu lahayd, hase-yeeshee waxa uu ahaa Codkii Kulmiye ka helay Gobolada Saaxil iyo Awdal, ee Ciise Muuse iyo Samaroon, Codkaas oo labadaa gobol Musharraxa Kulmiye ku siiyeen Siyaasiyiintoodii ugu mudakarsanaa Musharax, Madaxweyne Muuse Biixi garab-socdeen, kuwasoo kala ahaa Prof. Axmed Ismaaciil Samatar oo soo xero geliyey Gobalka Awdal iyo aqoonyahanka weyn Siyaasiga qarniga ee la dulmiyey Jamaal Cali Xuseen oo isna laba jaanis oo waaweyn kursiga ku saaray Madaxweyne Biixi, maadaama oo u qaatay aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen go’aan aad u Adag oo qadhaadh, isla markaana muujiyey raga-nimo iyo bisayl Siyaasadeed oo u guushii Madaxweynenimo gacanta u geliyey kii ka ciideeyey ee dulmiyey hankiisi madaxweynenimo illeyn cid kaleba kursiga ma haybsateen haduu Jamaal Cali Xuseen jaaniskaas heli lahaayee!, hadana khaladaadkii iyo dulmigii lagu simmeeyey oo idilbuu intuu liqay, waxa guushii kursiga gacanta u geliyey kii dulmiyey oo ahaa Madaxweynaha maanta Muuse Biixi, markaas ayaanu haddana Madaxweyne Muuse Biixi weli tacabkii aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen iyo Prof. Axmed Ismaaciil Samatar abaal uu u gudo daayoo taladii dalka qaybtoodii waxba ka siin Cajiib… Sidaas daraadeed intaa uu Muuse indhaha ka laalinaayo Jamaal Cali Xuseen iyo Prof. Samatar Xukuumadiisu dhiidhigaa iyo faashilkaasay ku burburi doontaa.

Qodobka 3-aad, Madaxweyne Muuse Biixi waxaan ugu baaqaya inuu baabiiyo isbahaysiga Jeegaanta, isla markaana meesha ka saaro jagada Gudoomiyaha X. Kulmiye ee qori isu dhiibka niqday, isagoo looga baahan yahay inuu jeexo dariiq cusub iyo in la mideeyo dalka, waxana looga baahan yahay inuu Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ku wareejiyo reer Awdal reer Saaxil, kuwasoo Somaliland kusoo celin kara qaran hana qaada.

Qodobka 4-aad, Waxaynu isna ku eegaynaa il-duufka Madaxweyne Muuse Biixi Xukuumadiisa kusoo dhisay ma Isba qabatayn doonaa, mise toobiyaha burburka ayuu cagta saari-doonaa, waxa hubaal ah oo aan cidna ka qarsoonayn Dawlanimada Somaliland halis ugu hirto inay burburto, isla markaana dib dalku ugu noqdo marxaladihii qadhaadhaa ee aynu kasoo gudubnay, taasna runta markaynu isu sheegno waxa keenay Madaxweynaha qaranka Somaliland Md Muuse Biixi oo soo dhisay Xukuumad, aan ahayn midka turjumaysa Xisbigii ku guulaystay 80-ka kun ee Cod, taas bedelkeedana soo dhisay Xukuumadii uu soo dhisi lahaa Siyaasiga ma gudbaha ah ee waayey kalsoonida shacabka ama darajadii ugu hoosaysay ka galay, waa Faysal Cali Waraabe’e. Madaxweyne Biixi, waxa uu xilalkii golaha Xukuumadiisa ku taxay Caruur aqoon maamul iyo mid kale toona lahayn, balse weli aan dhaafin docdii Hooyooyinkood badidood, taasina waxay keentay in lagu khasaaray Xisbinimadii Kulmiye ee doorkan lagu doortay Madaxweyne Muuse Biixi, waxas’e xusid mudan inuu weli jaanis uu dalka ku badbaadiyo haysto, waa hadii Alle garansiiyo oo dhaxal-wanaagsani u qoran yahayee. Hasoo dhiso Xukuumad ka turjumaysa isbedelkii labeenta lahaa ee loogu Codeeyey. Hadii uu taas soo dhisanaya waxaan hubaa inay Somaliland dhaqaaqi doonto, dhinac kastaaba, hadii ay tahay Siyaasadda dibada, hadii ay tahay dhaqaalaha iyo waxka qabashada arrimaha sixirbaraarka iyo xaga amniga iyo weliba dhinacyo badan oo kaleba.

Qodobka 5-aad, isna waxaynu usoo qaadan doonaa inaynu dib u yara milicsano isbahaysiyadii Siyaasadeed ee xilliyadii dhowaa ama intii la qaatay nidaamka asxaabta, iyadoo aan doonayo inay Beelaha Garxajis aan tusno siday ula ambadeen isbahaysigoodii u burburiyeen.
Waayo?. Waxay xoolahoodii ku darsadeen cid xero ku jirta, kuwasoo waxku darsaday. Tusaale kooban waxay Habar-yoonis heeshiis isbahaysi la gashay oo wax u balan-qaaday Beesha Arab oo iyaddu ah Jeegaanta daacada ah, bal eeg siday ugu Codeeyeen Jeegaantii Kulmiye ilaa aas-aaskii Doorashadii Madaxtooyada ee loo dareeray 14 April 2003. Way qaybsantay B. Habarjeclo, waxayna xoogeedi noqdeen KULMIYE, in badan oo 25% ahi waxay raacday UDUB oo ay xoojiyeen Colkii ASAD oo Saleebaan Gaal hor ka caayay.

Beesha Sacad Muuse doorashadii 2003 ee Madaxweynaha si kala badh ah 50%50 ayay codkii ugu qaybiyeen KULMIYE iyo UDUB . Meesha uu khasaaraha ugu weyni KULMIYE ka soo gaadhayna waa Degmada Hargaysa oo Marka laga reebo Koonfurta oo UCID ahayd iyo Bariga oo UDUB aha waxa lala qaybsaday 26-June . Waana sababtii ay isugu dhawaadeen codadkii UDUB iyo KULMIYE oo 80-cod kursigii Madaxweynaha ku Kala helay.
U fiirso: Markaa Beesha Baligubadle ama degaanada Beesha Arab doorashadii 2003 ee Madaxweyne si xamaasad leh ayay 95% waxay ugu codeeyeen KULMIYE sidaana waxay ku noqdeen Beesha kaliya ee Jeegaantii iyadu ka dhabaysay.

Markale doorashadii Madaxtooyada ee dhacay 26-June 2010-kii waxay kaga dhabeeyeen Jeegaantii oo waxay 95% u Codeeyeen Kulmiye iyo Madaxweynihii hore Axmed Siilaanyo. La soco qaybaha dambe.
W/Q
Aqoonyahan
Saki Saleeban Xasan (Saki Xuquuq)
Saakisu122@gmail.com
Boorama/Somaliland.