Connect with us

somalilandtoday.com

Injineerkii Itoobiya Ee Maydkiisa La Heley Iyo Muhiimadda Biyo Xireenka Abay

focus

Injineerkii Itoobiya Ee Maydkiisa La Heley Iyo Muhiimadda Biyo Xireenka Abay

(SLT-Addis Ababa)-Geeriga injineerkii dhisayay mashruuca balaayiinka doolar ay ku kacayso ee biyo xireenka Abay, Simegnew Bekele , ayaa waxaa aad looga dareemay dalka Itoobiya oo dhan, halkaas oo baroordiiq weyn loo sameeyay.

Tacsida iyo fariimaha murugada leh ayaa si weyn loogu baahiyay baraha bulshada, waxaana si isku mid ah uga gilgishay saxafiyiinta, dublamaasiyiinta iyo xitaa maamulka iyo shaqaalaha shirkadda calanka u sidda Itoobiya ee diyaaradaha.

Booliiska ayaa baaraya sababaha uu u dhintay, waxaana la sheegay in xabbad lagu dhuftay ay keentay geeriyiisa , gaariga dhexdiisana waxaa laga heley qori.

Markii la gaaray galabnimadii maalintii la dilay, boqolaal qof ayaa isugu soo baxay Addis Ababa iyo magaalada uu ku dhashay ee Gondar, iyaga oo codsanayay in caddaaladda la horkeeno kuwii falka geystay.

Si aan wax uga fahano sida ay ku dhacday in injineerkan loogu baroordiiqo sida boqorada iyo dadja siyaasiyiinta waaweyn ah, waxaan u baahanahay in aan eegno biyo xireenka Abay iyo waxa uu dadka uga dhiganyahay.

Dareen waddanimo

Biyo xireenkan oo biyaha looga jiido wabiga Nile ayaa waxaa lagu tilmaamay mashruucii loogu hanweynin badnaa ee qaaradda Afrika. Marka la dhamaystiro, biyo xireenka oo ah 1.8 km balaadhkiis, 155m joogiisu yahay, waxa uu saddex jiraab sare u qaadi doonaa wax soo saarka korontada ee Itoobiya.

Biyo xireenkan ayaa waxaa sidoo kale la filayaa in Itoobiya ka dhigo dal dhaqaalihiisa uu soo galo kuwa meel dhexaadka ah adduunka marka la gaaro sanadka 2025-ta.

Maxay horseedi karaan heshiisyada ay gaareen Eriterea iyo Itoobiya?

Waxa uu noqday mashruuc mideeya quluubta dadka sida ay qabto Beletu Bulbula Sorsu oo ah tifaftiraha laanta Oromada ee BBC-da.

“Mashruucan waa mid mideeya dadka Itoobiya oo dhan” ayay tiri tifaftiraha.

Image captionDowladda waxa ay sheegtay in aas qaran loo samayn doono Mr Simegnew

Matina Stevis-Gridneff oo ah wariyaha majalladda Wall Street Journal ayaa sheegtay in uu si shaqsiyan ah u yaqiinay Mr Simegnew, wuxuu intaas ku daray in uu ahaa nin matala dareenka waddaninimo ee Itoobiya.

“Wuxuu ahaa nin aad waddani u ah, noloshiisa oo dhana waxa uu u huray horumarinta dalkiisa” ayay tiri Marina.

Ma ahayn nin isla weyn

53 jirka ayaa shahaadadiisa ka qaatay kulyadda injineeriyadda ee jaamacadda Addis Ababa, wuxuuna madax kasoo noqday mashaariix biyo xireen sida kan Gilgel Gibe I iyo kan Gilgel Gibe II.

Image captionBiyo xireenka

Waxa ay dadka barteen markii madax looga dhigay mashruuca biyo xireenka weyn ee Abay ama GEReD.

Tifaftire Beletu Bulbula Sorsu waxa ay sheegtay in si joogto ay warbaahinta u waraysan jirtay, islamarkaasna loo arkay nin aanan musuqmaasuq ku shaqaynin, aanan isla weyneyn, islamarkaasna la heli karay markii la doono.

“Wuxuu u dhaqmi jiray sida shaqaalaha caadiga ah ee mashruuca ka shaqeeya” ayay tiri Beletu.

Tibebeselassie Tigabu, oo ka tirsan qeybta Af Amxaariga ee BBC-da ayaa ka mid ah dadka waraystay maalmo ka hor intii uusan dhima.

“Nolosha oo dhan ayuu u hurey biyo xireenka, waa meel nolosha ku adag in la joogo, isagana lix sano ayuu ku noolaa meesha ” ayay tiri, iyada oo intaas ku dartay in meesha uu joogay ay ahayd halka mashruuca uu ka socdo ee Benishangul-Gumuz oo u dhow Suudaan, 1,000 km waqooyi galbeed ka xigta Addis Ababa.

Nin astaan ah

Mr Simegnew waxa uu astaan u ahaa biyo xioreenkan, geeridiisana waa astaan muujinaysa dhibaatooyinka uu wajahayo.

“Waxa uu aha afahayeenka mashruuca, waxa uu ahaa ninka koowaad ee laga soo dhoco, waxaanan hubaa in aysan ahayn arrin sahlan in la badeli karo” ayay tiri Ms Stevis-Gridneff.

Waxaa la aaminsanyahay in 60% la dhameeyay dhismaha biyo xireenka, waxaase jira carro badan oo laga qabo dib u dhac badan oo yimid.

Todobaadkii ugu dambeeyay ee bisha July, Ra’isulwasaare Abiy Axmed ayaa sheegay in 10 sano ay qaadan karto in lagu dhameeyo mashruuca.

Dadka reer Itoobiya waxa ay aad ugu qanacsanyihiin in lacagta ku baxday mashruuca intooda badan ay dadka shacabka ah bixiyeen.

Waxaase jira xasadaha siyaasadeed ee ka dhashay dhismaha biyo xireenkan, gaar ahaan Masar oo walwal ka qabta in biyaha wabiga Nile ay yaraan karaan haddii biyo xireenkan la dhamaystiro.

Shalay ayaa aas qaran loogu sameeyay Itoobiya, halkaasna waxaa ka yara dhacay waxoogaa isku dhac booliiska iyo shacabka oo doonayay in ay iyagu maydka qaadaan.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top