War Deg-deg Ah: Xildhibaan Caan Ah Oo Ka Tirsanaa Golaha Guurtida Somaliland Oo Geeriyooday

(SLT-Hargeysa)-Alle haw naxariistee waxa magaalada Hargeysa ku geeriyooday Xildhibaan Jaamac Faarax Axmed oo ku magac dheeraa Jaamac Riyo. Xildhibaankan ayaa ka tirsanaa golaha guurtida Somaliland ayaa muddo u jiifay xanuun.

Ehelada marxuunka ayaa xaqiijisay geerida Xildhibaan Jamaac Faarax Axmed (Jaamac Riyo).

Xildhibaan Jamaac Faarax Axmed (Jaamac Riyo) ayaa sidoo kale ahaa hal abuur iyo maansooyin curiyay gabayo iyo heeso badan.

Bahda shabakadda wararka ee Somalilandtoday waxa ay tacsi u dirayaan Qoyskii, Qaraabadii iyo Guud ahaan Shacabka Somaliland ee uu Ka baxay Xildhibaan/Abwaan Jamaac Faarax Axmed (Jaamac Riyo).