Connect with us

somalilandtoday.com

Dawladda Soomaaliya Oo Sheegtay In Shirkii Brussels Soomaaliya Loogu Deeqay 1.2 Billion Oo Euro

focus

Dawladda Soomaaliya Oo Sheegtay In Shirkii Brussels Soomaaliya Loogu Deeqay 1.2 Billion Oo Euro

(SLT-Muqdisho)-Dawladda Federalka Somalia ayaa soo dhaweysay taageerada looga muujiyey shirkii Madasha Iskaashiga Somalia ee dalka Belgium ka dhacay.

War-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda Arr. Dibedda ayaa lagu sheegay in dowladdu ay soo dhaweynayso in dalalka iskaashiga Somalia la lihi ay sheegeen inay Somalia ku yaboohayaan 1.2 billion oo Euro ah.

Dowladda Somalia ayaa sidoo kale soo dhaweysay ka qeybgalkii iyo hadalkii uu danjiraha Imaaraatka Carabta u fadhiya dalalka Belgium iyo Luxemburg uu shirka ka sheegay ee ahaa in Imaaraadka ay ka go’an tahay taageerida dadaalada lagu soo celinayo midnimada, amniga iyo xasiloonida Somalia iyo in wax laga qabto caqabadaha amniga, siyaasadda iyo horumarinta Somalia.

Dawladda Somalia ayaa sheegtay in Imaaraadka ay ku raacsan tahay dhismaha nabad gobolka ka hirgasha iyo barwaaqo. Iyada oo taas la eegayo, ayaa dawladda Somalia sheegtay, inay soo dhaweynayso fursad kasta oo lagu horumarin karo agendahan istaraatiijiga ah.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top