Connect with us

somalilandtoday.com

Masuuliyiin La Magacaabay Ree Boorama Maaha Hadana Way Matalaan. W/Q: Abdishakur Gande.

Articles

Masuuliyiin La Magacaabay Ree Boorama Maaha Hadana Way Matalaan. W/Q: Abdishakur Gande.

Qabiil Ku Macaashka Magaalo Qiil Kadhigty —

Mudane Madaxwayne Ree Boorama iyagoo cisi, karaamo iyo tixgalin kuu haya waxay waydiin isku hayaan Masuuliyiinta aad xulatee Xilkii ReeBoorama aad udhiibtay ma aha Ree Boorama ee ma qabiil ahaanta ay Borama kuyihiin ayaad xil reernimo ugu udhiibtay?

F.G: Mudane Madaxwayne waxaad hore noogu qancisay in masuuliyiinta aanay qabaa’il ku magacaabnayn. Taasi waa mida su’aasha kor kuxusan iyo dareenada ku xeeran dhalisay.

Haybta iyo qoloqolo-du waxay hagardaamo ku tahay hanaanka dawladnimo ee in uu mar uun hirgalo aynu ku haminaynay in kabadan rubuc qarni misana aynaan hayn taasoo sababteedu tahay horaysiinta qabiilka wax

lagu qaybinayo. Iyadoo ay ahayd in hanaan ka wanaagsan oo hawlaha masuuliyiinteenu sida ugu haboon ugu hirgali karaan. Tusaal; habka ugu wanaagsan ee aynu hayno misana aynu haleelin ama sidii loorabay aanan u hirgalin baa ah in hab goboleed ama degmo masuuliyadaha lagu kala hanto.
Sidaan hore usheegay waxaa jira hanaan wanaagsan se siduu ku haboonaa aynaan u hirgalin kaasoo ah in hab gobol xilalka lagu kala qaybiyo haddana taasi sababta ay u hirgali laadahay iyo caqabadaha ku gadaaman ayaa ah in wali qabyaaladii magacii gobalka huwan tahay. Tusaale; Maanta Xukuumada Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi magaalada Borama waxaa oo xilalkeeda heer qaran u haya dhalinyaro badan balse marka aad hoos ugu daadagto waxaad ogaanaysa in dhalinyaradaa aanay ahayn Ree Boorama laakiin xaqiiqadu ay tahay in ay hayb/Qabiil ku yihiin Ree Boorama taasi oo micnaheedu tahay ree Borama ma aha laakiin waa Samaroon (Gadabuursi).

Aniga Abdishakur Gande ahi ma ahi ree Maroodijeex oo Ree Awdal baan ahay misana waxaan ka codeeyaa Maroodijeex waayo waxaan ku ahay Ree Maroodijeex deegaan Qabiil BahabarAadan (Samaroon). Halkaa marka aan nasabadayda wanaagsan iyo qabiilkayga qaranka Somaliland dhisnihiisa iyo hanaqaadkiisa leh markaan ka waramayo micnuhu ma aha qabyaalada ee waa mid aayaadkii ilaahay waafasan oo isku garasho iyo tusaalaha wanaagsan ii ah.

Si kaste ha ahaatee, hadaynaan qabiil wax ku qaybsi katagayn wa in marka saami dhalinyaro iyo kootooyin lamida qaybiyo waa in aanan la hurin in loo eego hufnaanta shakhsi, dhaqan wanaaga, hawlkarnimada iyo aqoontu leeyahay oo iyadu ah mida ugu mudan ee lagu xulanayo.

Hadaba shakhsiyaad badan oo derajadii rag lahaa ku helay hayb/Qabiil waliba iyagoo usoo halgamim waa lama huraan in dib loo hubiye hadiikale hashaasi waxay dhasho hadhow ha la ogolaado.

–Nin walba intuu kutari karuu kuyeeli karaaa—

— Nin Walba na intuu kuyeeli karuu kutari kara–

Xisbiga kulmiye manfac badan bay rag banaanka wali jooga oo xumaan laga arag ay gashadeen haba gashadaane hankooga wali rumoobin waxaa ka halis badan kuwa maala hal aanay daajinin oonay habeen qudha foofin misana hagardaamo kuhaya kuwii halganka lahaa oo marwalba ay hayaan hebel kuma haboona iyo horta dib udhiga hawshiisa.

Abdishakur Gande

634200882. 634454882

Gandeabdishakur@gmail.com

Hargaysa, Marodijeex Somaliland.

https://www.facebook.com/Mr.Abdishakur.Gande

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in Articles

To Top