Kaftanka Maanta,Burcooy Boodhka Ka Toos

Dhawaan waxaa soo baxay natiijaddii imtixaanka ardayda ka qalin jebinaysay kuliyadaha çaafimaadka ee jaamacadaha wadanka ,kaasoo ay maamulkiisa hagaysay jaamacad ku taala wadanka ingiriiska .


Hadaba imtixaanka natiijadiisi waxay noqotay in guud ahaan ardaydii ka socotay jaamacadda burco wadda dhacday oo aan midna ka baasin ,taasoo macnaheedu yahay burco dhakhtar uma soo bixin .

Sidaa markay ,waxaa muuqata in reer burco dadaalkay geliyeen xifaaltanka dhexdoodda ,ficiltanka aan xisaabta ku salaysnayn iyo xamaasadda aan faaidada lahayn aanay gelin tacliintoodda iyo jaamacadoodda oo itaalkeeddi sidan noqday .
Runta hadaynu ku rafano ,somaliland day nabaddeedu waa burco,burco iyadaa shookaaminaysay dawladdii tuur ,tii cigaal ee boorame ,tii cigaal ee hargaysa ,tii riyaale iyo tii siilaanyaba .
Burco siyaasiyeenteedda ayaa is Indho buuxin wayday oo goboladda kale la kala midowday oo jeegaan iyo jaajuur isu samaysatay ,midhihii burco ka goosatayna waa kan ,sifir fooqal sifir .
Siddaa markay tahay,anigoo burco u jiidh damqanaya sababo badan awgood waxaan leedahay,haddii south sodan heshiisay ,haddii ethopia iyo Ereteria heshiiyeen,haddii geeskii afrika waa cusubi u baryay ,burcooy boodhka ka toos