Gafaf-ka Ay Galaan Dhaqaalle-yahannaddu – WQ Axmed-xiis Dharbaan

Ixtiraam baan u hayaa Cilmiga dhaqaalaha, Ardayda barata dhaqaalaha iyo Macalimiinta dhigta dhaqaalaha-ba.


Dhaqaalluhu wuxu ka mid yahay madooyinka aan eego gafafka ay galaan khubaradda ku takhasustay.

Hada ka hor waxa aan qoray Paul Samuelson, Robert Lucas Jr. iyo Robert Solow – Sadexduba way helleen Nobel Prize – in ay ka cudurdaarteen ama ay ka cadhoodeen sababta ay iyagu u samayan wayeen hanti u dhiganta, maalka ay dhiseen islaamaha shaari’shaa’rida ahi.

font-family: inherit; text-align: justify;”> Dhaqalle-yahanaddu way dadalaan. Xal ku meel gaadha mararka qaar way keenaan sida: Keynes, xalkisii ahaa lacag dadka siiya ay wax ku iibsadaan iyo Friedman aragtidiisii ahayd qiimaha jabiya ama dalaca.

Qaladadka ay sameeyaan ayaa lakiin layaab leh. Dhaqaalaha waxa ay dhahaan: Waa barashada dhulka, shaqaalaha (labor) iyo lacagta. Where is Knowledge?

Schumpeter waxa uu dhaqaalaha ku qeexay hal-abuurka ganacsi ee bulshada – Creative destruction. Ardaygisii ugu wacnaana – Peter Drucker – intaasi ha noqoto, meel ku dhac ayuu ta’kiidiyey

Samuelson ixtiraam badan buu ku leeyahay Jamacadda MIT. Shan ka mida ardaydisii ayaa qadatay Nobelka. Paul dhiganihiisa Economics. Meel-naba kagamu qorin POWER. Toffler oo Futurist sheegan jiray ayaa ka yaabay.

Power rag badan baa ku khatalmay. Dad baa lacagta power u yaqaana. qaar kale ayaa Force ka Power u yaqaana. Power: Robert Greene baa 48 xeer ku qeexan. Waxa xeerarkaas ka mid ahaa “Saaxiib-kaa wa cadaw-gaaga ee ka taxadar”. Machiavelli’na wakii lahaa beenbeen baa lagu helaa Power.

Milton Friedman qareenkii suuqa xorta ah; insaankii gaabnaa – waaa very respected in the world of economics – waxa la is waydiinayaa halka uu insaanka dhigay.

Dhaqaalahu buu yidhi Friedman ~ “Waa dabayl; iyada ayaa is laba rogaysa; is hagaajinaysa”. NO NO NO. Dhaqaalaha waxa go’aan ka gaadhaya insaan, cadiifad iyo eex leh. Nin jeclaysi iyo nacayb, ayuu ku qaadan karaa go’aan, dhaliya khasaare laxaad leh.

Wabillaahi Tawfiiq

Axmed-xiis Dharbaan
Nantes
France
dharbaan01@gmail.com