kaas oo lagu durayay Wasiirka horumarinta maaliyadda Somaliland mudane Yuusuf Maxamed Cabdi Raage.
Hadaba maqaalkani maaha mid si waaqici ah xog sax ah u bixinaya waayo waxaa ka muuqata hinaase shaqsiyadeed oo lagu duulaan yahay xilka uu hayo wasiirka maaliyaddu, waayo sababo maangal ah oo loo cuskanayo eedeyntiisa ma muuqato waxaan is leeyahay waxaa qoray qofaan aqoon dheer u lahayn arimaha leadership-ka waayo muu yidhaahdeen xafiiskii ayuu ka maqan yahay oo wuxuu garan lahaa in leader ka wanaagsani
yahay qofka shaqada qaybiya ee aan isu wada duubin kaligii.
Wasiirku haduu wasaaradda ka maqanyahay waxa ka hooseeya wasiir ku xigeenkiisi oo dastuurku xaqa u siiyay inuu hawsha wasaarada sii maamulo inta wasiirku maqanyahay.
Markaa adeer halkaa ma jirto wax Shaqo ah oo wasiirka ka baaqanaya.
Isla markaana waa qof aaan garanaynayn in masuuliyadda ay hawl wadeeno kale la wadaagan wasiirka .
Waa qof aan xog ka hayn ujeeddada safarka wasiirka .
Hadaba wasiirka Maaliyadda Jamhuuriyadda Somaliland Yuusuf Maxamed Cabdi waxa uu casuumad rasmiya ka helay machadka shaqaalaha Dawladda Ethiopia (Ethiopian Civil Service University).
Kaas oo uu isaga laftiisu ahaa Ardaydii shahaadada labaad ka qaadatay Isla jaamacaddan shaqaalaha dawladda ethiopia.
Taas oo ay Ethiopia ku sharaftay wasiirka maadaama uu isaga laftiisu arday ka ahaan jirey.
Ardaydan uu la sawiran yey-na waa Ardaydii ka qalin jabisay Jaamacadda Shaqaalaha Ethiopia.
Jaamacaddani waxa ay sanad walba sii saa Somaliland Scholarship ay dad badani ka aflaxeen, haddaba wasiirku isagoo tix galinayya Taageerada aan qarsoonayn ee Jaamacaddu Siiso Jamhuuriyadda Somaliland ayuu aqbalay martiqaadkii ay jaamacaddu u fidisay.
Waanu ka qayb galay xafladdii Jaamacadda lafteedana wuxuu kala hadlay waxyaabo badan oo ardayda hadda dhigata iyo kuwa soo socdaba anfacaya.
Miyaanu ogayn in wasiirku aanu dalka ka dhoofi karin iyadoo aanu ka war-qabin Madaxweynuhu.
Arinta kale ee ah Xil ka wayn buu qaaday waa arin hinaase iyo xaasidnimo ah sabaabtoo ah wasiirku wuxuu noqday Qofkii ugu mudnaa ee Abid soo mara wasaarada maaliyada xag aqooneed, xag waayo aragnimo iyo xag daacadnimo-ba.
qaabkii Uu miisaaniyadda wax uga bedelay wasiirka cusub ee maaliyaddu waxay ahayd mid shacabka Somaliland uga marag kaceen qaabkii uu u diyaariyay oo ahaa qaab casri ah.
Kaas oo kaga duwanaa miisaaniyadahii hore;
1. Qaabka diyaarinta.
oo ahaa hab ku dhisan (Capital budgting) halka miisaaniyadii hore ay ahayd mid ku dhisan (kharashka Dawlada).
Sideedaba miisaaniyadda qaranka waxa sameeya saraakiil ka tirsan wasaarada oo shaqadoodu tahay waligood-na samayn jiray miisaaniyada qaranka.
Habka loo sameeyo miisaaniyadda qaranka.
System dajisan ayaa lagu sameeya iyadaana shaadhaysa kharashaadka ay wasaaradaha kale soo smaystaan inay yihiin kuwo macquula iyo in kale…
Waanaynu wada ogayn habkii & qaabkii hufnaa ee uu wasiirku golaha Wakiilada ugu gudbiyey miisaaniyadda oo ahayd daahir yaa shamis.