Connect with us

somalilandtoday.com

Anwar Qarqaash Oo Ka Hadlay Xidhiidhka Somaliland Iyo Imaaraadka

focus

Anwar Qarqaash Oo Ka Hadlay Xidhiidhka Somaliland Iyo Imaaraadka

(SLT-Dubai)-Wasiirru-dawlaha arrimaha dibadda dawladda Imaaraatka Carabta Anwar Qarqaash ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitterka waxaa uu ku yidhi; “Sanado badan oo ay shaqo adag ka qabanaysay taageeridda degganaanshaha iyo la-dagaalanka argagaxisada iyo budhcadbadeedda Soomaaliya; dedaallada horumarineed ee Jabbuuti iyo Somaliland; iyo xidhiidhka siyaasadeed ee Ereteriya iyo Itoobiya, dawladda Imaaraadku waxay Geeska Afrika u noqotay wehel karti leh, oo joogitaanka Carbeed u soo dhoofisa mandiqaddan muhiimka ah.”

عبر سنوات من العمل المضني لدعم الاستقرار ومكافحة الاٍرهاب والقرصنة في الصومال والجهود التنموية في جيبوتي وأرض الصومال والتواصل السياسي مع اريتريا وإثيوبيا أصبحت الإمارات شريكا مقدرا في القرن الأفريقي ومتصدرة الحضور العربي في هذه المنطقة المهمة.

Wasiirru-dawlaha arrimaha dibadda Imaaraadka oo ka hadlay isbedellada ka socda Geeska Afrika waxa uu sheegay in furfurnaanta siyaasadeed ee dalalka Geesku muhiim u tahay ammaanka gobolka. Waxa uu sheegay in siyaasadda arrimaha dibadda Imaaraadku tahay mid ixtiraam weyn u haysa siyaasadda Geeska Afrika iyo dawladihiisa oo ay dawladda Imaaraadku bahwadaag muhiim ah u tahay.

Geesta kale wasiirka arrimaha dibadda Imaaraadka Sheekh Abdullaahi Bin Sayed Al Nahyan ayaa soo dhaweeyay waaga cusub ee u baryay dawladdaha Itoobiya iyo Ereteriya oo dhawaan heshiis nabad iyo iskaashi ah kala saxeexday. Waxa uu sheegay in heshiisku yahay mid wax weyn ka taraya dhaqaalaha, siyaasadda iyo amniga labada dal iyo gobolkaba waxaanu balanqaaday in Imaaraadku dalalkaasi kala shaqayn doono horumarka iyo ammaanka.

Hadallada madaxda Imaaraadka ayaa muujinaya sida ay u danaynayaan Geeska Afrika oo ay xidhiidh fiican la leeyihiin siiba Somaliland iyo Itoobiya oo ay heshiisyo dhanka horumarinta ah kula jiraan.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top