Connect with us

somalilandtoday.com

Xukuumadda Somaliland Oo Xayiraadii Ka Qaaday Wargayska Haatuf

focus

Xukuumadda Somaliland Oo Xayiraadii Ka Qaaday Wargayska Haatuf

(SLT-Hargeysa)-Wargeyska Haatuf ee ka soo bixi jiray Hargeysa, oo muddo ka badan afar sano xayirnaa, ayaa maxkamada rafcaanka ee gobolka Maroodi-jeex ee Hargeysa waxay maanta shaacisay inay xayiraadii ka qaadday, isla markaana ay ruqsadii soo bixitaanka u soo celisay.

Wargeyska Haatuf oo hore maxkamada gobolka Hargeysa ay ugu ridday xukun ay kaga qaadday ruqsaddii iyo xayiraad ay gelisay, iyadoo maxkamaddu sheegtay xilligaasi inay qoreen warar been abuur ahaa, ayaa gudoomiyaha Haatuf media group Yuusuf Cabdi Gaboobe shir jaraa’id oo uu ku qabtay Hargeysa maanta, wuxuuna soo dhoweeyay go’aankaasi.

“Caddaaladdii aan tabeynay ayaa dhacday, maxkamadda racfaankuna waxay qaadday xayiraaddii saarnayd tan iyo bishii April 2014” ayuu yiri Gaboobe isagoo BBC u warramayey.

Wuxuu intaa ku daray in muddadaas afarta sano ah ay iyaguna xirnaayeen labada wargays ee kale ee ku soo bixi jiray luqadaha Ingiriiska iyo carabiga, Somaliland Times iyo Al Haatuf al Carabi, ‘oo wax xukun ah uusan ku dhicin’. “Xaruntii aan ka soo saari jirnay ciidan ayaa la wareegay ilaa maantana jooga” ayuu sii raaciyey.

Yuusuf Cabdi gaboobe wuxuu kaloo BBC u sheegay in ay maxkamadda gobolka weydiisteen in magdhaw la siiyo. Wuxuu u sheegay wariyaha BBC in wixii qalab ahaa ee xarunta yaallay ay baaba’een.

Wuxuu meesha ka saaray in ay aflagaaddo gaysteen, wuxuuna sheegeen in ay wax ka qoreen wax uu ku timaamay “musuqmaasuq iyo talo maroorsi ay ku arkeen xukuumaddii Siilaanyo”, wuxuuna intaa ku sii daray “haddii aan mustaqbalka aragno, sidaasoo kale ayaannu u sheegi doonnaa”.

Weli ma cadda in wargayska Haatuf uu dib ugu soo laaban doono, suuqa, iyo goorta la bilaabi doono.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top