Connect with us

somalilandtoday.com

Xaajadu Xaggee Bay Tuurta Ka Yeelatay ! WQ: Maxamed Xuseen Jaamac (M.Soomali)

Articles

Xaajadu Xaggee Bay Tuurta Ka Yeelatay ! WQ: Maxamed Xuseen Jaamac (M.Soomali)

Ku dhawaaqista doorashada kadib dalku waxa uu galay xaalad jahawareerah ka dhalatay isbedalkii dhacay gun-dhigeeduna uu ahaa sidii xanaftii ka dhalatay doorashada looga bogsan lahaa , saluug ka yimid saami qaybsigii golihii madaxweynuhu xushay , wasiiro layli ah oo bulshadu ka biyo diiday kuwaas oo aan buuxin kaalintii ay ku lahaayeen madaxweynaha ka dhigay aar bilaa garbo ah oo kalidii ayda miranaaya , saluug beeleedyo ku cataabaya in aan loo dhamayn dheefta mansab , shaqaale , dhaqaale iyo lawada lahaanshiyaha qaran oo buur dheer figteeda sii fananaaya, taas oo keentay in dib loogu noqdo 19194 iyo shir beeleedyo ka soo cusboonaaday kii buurta gacan libaax uugu danbeeyey ,

kuwa kalena hada la iclaaminaayo.
Dagaalo qabaliya oo ka socda Ceel-afweyn kuwaas oo naafeeyey shaadhkii qaranimo una muuqda in loo caal waayey ciriqoodana si hufan loo galin , baaq nabadeed in la diro mooyee wali mililka dushiisa la dhayaayo una dhaxeeya beelaha isku dhafan ee walaalaha ah ee Habar lamaan maalinkastana aanada iyo dilku taagan yahay , weheliyaan jabhad samaysantay oo ku jirta aaga sanaag barri oo uu hogaamonaayo jeneral cadhooday kuna magacaaban Caare isna colaada gaasta ku sii daraayo hada arintiisa goosashaduna canbaar ku tahay maamulka Biixi .

Dabcan arinta Ceel -afweyn xukuumadu wali aanay talaabo ka qaadin haddii aan la bakhtiin dhaawac gaadhsiinaaya qaranka ilaahay kama dhigee.

Xukuumada waxa kale oo la kowsatay dagaal ay la gashay maamul gobaleedka Puntland kaas oo arimihii dhaqaale iyo siyaasadeedba wiiqay qaranka una muuqda mid lagu galay deg deg ahaydna in sidii dhaqanka u ahayd Somaliland lagu gaadho xadka sabaale iyo siqitaan ay sal u tahay kabsashada iyo qancinta shacabka degan gobalada Sool , Sanaag iyo cayn lagana fuliyo hurumarinta baahiyaha aasaasiga ah ee nolasha kaabayaash u ah.

Xukuumada biixi waxa ay indhaha ka qarsatay kala qaybsanaanta shacabka ku kala irdhoobay doorashadii in nabaradii ay daawaysana ka doorbiday in ay dhagaha ka furaysato , fasiraada laga bixinayaana ay noqotay in shacabku u kala baxaan jeegaan iyo giraan wali raadkii olaluhuna taaganyahay , taas waxa ay keentay in masiirkii qaranku u muuqdo in maalinba ninka xooga lihi hasha waraabsado inta kalena indhaha ka daawato , mucaarad qabiil huwani xadhkaha goosato.

Biixi waxa la moodaa in ay la kulmeen xaalado midba mid ka darantahay haddii aan soo qaadano xal u helida sixir bararka wali daawo looma helin waxaaba uu noqday in la iskaba dhaafay hadal qaadkiis kadib markii maaro loo waayey

Waxa ay u muuqataa in uu dib u raacay raad arooryo salloyin uu dhigay odeygii macalinka u ahaa (Siilaanyo) madaxa u galiyey hawlo qabyo ahaa oo uu ka tagay inta uu miinada biinka ka gooyey ilaa hadana aan wali dhinac loo qaadin uuguna horayso heshiiska lala galay maamulka Khaatumo , furi taanka dastuurka , kiraynta dekada berbera iyo bixinta saldhiga milatari.

Halka ay sartu ka qudhuntay nabarkuna ka liigayaa hada waa in beesha madaxweynaha iyo xulufadiisa jeegaantu ay isku koobeen , mansabyadii uugu mucda weynaa dheelitirkii kafada miisaanka hoose u dhigtay.

Maalmihii olalaha mudane Biixi waxa uu balan qaaday in uu xusbigiisa iyo beeshiisa ku jiifsandoono asxaabtii la tartamaysayna hoos u eegi doono iyo beelaha wax tirsanaaya se taasi waxa ay noqotay hal bacaad lagu lisay iyo hadal la iska yidhi.

Shaqsiyan anigu waxa aan ahaa dadkii u heelanaa mudane Biixi in uu dalkan gaadhsiin doono heer , hadh iyo habeena waxa aan u taagnaa sidii uu u hanan lahaa hogaanka dalka , waxa aan ahaa taageere badhax la oo u miyir la’aa in Biixi uu qaban doono hawl baaxad leh marka uu kursiga fuulo , maalintaa ay inoogu danbayn doonto eexda , qaraabo kiil ka , musuqa , qabyaalada , dhaca hantida shacabka , adeegsiga awood lagu muquuniyo shacabka , biyo la’aanta , sixir bararka , caafimaadka , waxbarashada , ka xoraynta shacabka ganacsadada dhiig miiratada ah ee ku mamay shilinka shacabka ay ka taajireen iyo dhammaan kaabayaasha dhaqaale kor u qaadidoda.

Wali rajadii kama quusan aan qabay waxii ka horeeyey 13kii November maanka waxa aan ku hayaa in wali wakhti lagu rajo beelo aan lagaadhin umul baa la toddoba bixiyaa muddo lix bilood ah oo uu xafiiska joogay mudane Biixi laba mid uun bay noqon sida muuqata in odeygu u yimid meel haawanaysa oo macalinkiisii gacanta sii mariyey wakhtina ay kuqaadanayso in uu dib u masaxo raadkii saaxiibkii uu dhigay in la sugona ay tahay himilo dheer ka dhabayn teeda ku hawlanyahay sidii uu darka u xidhilahaa.

Sawirka labaad waa kii marka horeba la qabay oo ahaa in Biixi laba mid uun laga rajaynaayo in dalku uu dhabaha toosan qaado oo uu noqdo hogaan wanaagsan iyo in xili madaw ay noqoto Somaliland gacantiisana ku burburto xili la soo dhaafayna inaggu celiyo.

Mudane Biixi waxa aad maanka ku haysaa in aad u dhago nuglaato dhawaaqa ka imanaaya shacabkaaga , xukuumadii aad soo dhistay kalsooni kama haysato shacabkii ay u adeegi lahayd ,marka xaaladan oo kale wadanku ku jiro waxa loo baahanyahay in la helo wasiiro saamayn ku leh beelaha ay ka soo jeedaan iyaga ayaa dajinaaya hada se kolahani waa kii uugu saamaynta yaraa abid intii xukuumad ina soo maray.

Arimaha dajinta duufaanada mucaaradnimo ee beelaysan waxa aad kaga dabaalan kartaa in gacantaadu furnaato dhaqaale iyo cuud ba aad u hurto.

Uugu danbayn madaxweyne dib uugu noqo saamiga beelaha ee xukuumadaada dhabadii cigaalna qaad ilaahay arimaha hakugu asturo.

WQ: Maxamed Xuseen Jaamac (M.somaali)

Ababiye 11@gmail.com

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in Articles

To Top