Connect with us

somalilandtoday.com

Mucammar Qadaafi Kaalin Intee Le’eg Ayuu Ka Qaatay Xakamaynta Muhaajiriinta?

focus

Mucammar Qadaafi Kaalin Intee Le’eg Ayuu Ka Qaatay Xakamaynta Muhaajiriinta?

(SLT-Liibiya)-Midowga Yurub waxay doonayaan in xarun lagu qaabilo muhaajiriinta laga sameeyo dalka Liibiya sii loo marsiiyo kumannaanka Afrikaanka ah ee doonaya inay gaadhaan Yurub.

Dowladda Liibiya waxay diidday arrintani. Kooxaha mukhalasiinta Liibiya ee dadka muhaajiriinta ah ka gudbiya badda waxaa xakamayn jiray hoggaamiyihii dalkaasi, Mucammar Al-Qadaafi, oo ahaa nin awood leh, balse hadda xorriyad ayay heleen mukhalasiinta ka dib markii uu meesha ka baxay.

Xilligii uu talinayay Qadaafi wuxuu ka codsaday gaashaan buurta Nato inaysan duqayn dalkiisa, wuxuu yiri ” i dhagaysta, haddii aad tihiin reer Nato, waxaad duqaynaysaan gidaar muhaajiriinta iyo argagixisada ka hor istaagay inay gaaraan Yurub, gidaarka waa Liibiya, waana burburinaysaan”.

Qadaafi wuxuu doonayay inuu ka faa’iidaysto cabsida dalalka Yurub ay ka qabaan muhaajiriinta si uu talada ugu dhagganaado, balse taasi ma aysan shaqaynin, waxaa dilay maleeshiyaad ay tageerayaan Nato sannadkii 2011-kii, waxaana sidaasi ku soo afjarmay maamulkii 42 sano jirsaday ee uu hoggaanka u hayay.

Arrintaasi waxay Yurub, siiba Talyaaniga, uu ku waayay saaxib muhiim oo dadaal ugu jiray ka hortagga muhaajiriinta ku qulqulaya qaaradda Yurub.

Tarek Megersi oo ah khabiir arrimaha midowga Yurub, oo fadhiggiisu yahay dalka UK ayaa sheegay in dalka Liibiya aan muhiimad la siin dalka Liibya wixii ka dambeeyey dhimashadii Qadaafi.

Wuxuu BBC-da u sheegay in mukhalasiinta ay ka faa’idaysteen dowlad la’aanta ka jirta Liibiya.

Muhaajiriin badan oo Afrikaan ayaa naftooda khatar ku geliya badda Mediterranean-ka si ay u gaaran YurubLahaanshaha sawirkaGETTY IMAGESImage captionMuhaajiriin badan oo Afrikaan ayaa naftooda khatar ku geliya badda Mediterranean-ka si ay u gaaran Yurub

Dowladda taagta daran ee Liibiya ee caalamka ictiraafsan yahay ayaa diiday qorshaha ay soo jeediyeen Midowga Yurub ee ahaa in Liibiya laga sameeyo xarumo lagu qaabilo muhaajiriinta, inta dalalka Yurub ay eegayaan codsiyada magangalyada lagu siinayo soo galootiga.

Ku-xigeenka Ra’iisul wasaaraha Liibiya Axmed Maiteeq ayaa sheegay inaysan aqbali doonin qorshaha reer Yurub, ka dib markii dhawaan uu kulan la qaatay wasiirka arrimaha gudaha Talyaaniga, Matteo Salvini, oo booqasho Liibiya ku tagey toddobaadkii la soo dhaafay.

Wuxuu intaasi ku daray in sharciga Liibiya uusan aqbalaynin in xarumo muhaajirinta lagu qaabilo laga sameeyo halkaasi.

‘Heshiis saaxibtinimo’

Megersi oo ku takhasusay xiriirka caalamiga ee arrimaha midowga Yurub wuxuu sheegay in muhaajiriinta ay wax ku kordhiyeen tirada dadka ku nool dalkaasi. Magaalada xeebta ku taalla ee Zawiya waxaa ku noolaan jiray 200,000 halka hadda ay ku nool yihiin in ka badan milyan qof.

Wasiirka arrimaha dibadda Tunisiya Nasser Bourita oo ka hadlayay shirka midowga Afrika uga socday dalka Mauritania ayaa diiday qorshaha ay soo jeediyeen dalalka Midowga Yurub, wuxuuna ku tilmaamay mid aan waxba soo kordhin doonin.

Dalka Niger ayaa lagu xamanayey inuu ka mid yahay dalalka aqbalay in xarumo lagu qaabilo muhaajiriinta laga furo.

Hoggaamiyihii Liibiya Mucammar Qadaafi oo heshiis la galay Ra’iisul wasaarihii Talyaaniga Silvio Berlusconi sannadkii 2008-dii, waxay ku heshiiyeen in Liibiya ay adkeyso xadka labada dal, oo ay ka mid tahay howlgallada xeebaha, ayadoo Talyaanigana uu siinayo Liibiya 5 bilyan oo Doollar oo magdhaw looga dhigo dambiyadii uu Talyaaniga ka gaystay Liibiya xilligii gumaysiga.

Mucamar Qadaafi wuxuu Silvio Berlusconi ka caawiyay soo galootiga badan ee geli jiray TalyaanigaLahaanshaha sawirkaGETTY IMAGESImage captionMucamar Qadaafi wuxuu Silvio Berlusconi ka caawiyay soo galootiga badan ee geli jiray Talyaaniga

Heshiiskaasi wuxuu hoos u dhigay tirada muhaajirintii doomaha ku gaari jiray dalalka Yurub, sida ku xusan sahan uu sameeyay Midowga Yurub.

Wadar ahaan intii u dhexeeysay sannadihii 2003-dii iyo 2012-kii, xeebaha Liibiya waxaa ka safray dad gaaraya 206,880 qof.

‘Howlgalka iyo mukhalasiinta’

Megersi wuxuu sheegay in Qadaafi uu ururro ka soo jeeda laba qabiil ee dalkaasi ugu wayn ee kala ah Tuareg iyo Tebu u ogolaa inay dadka tahriibiyaan.

Wuxuu yiri “qabaa’ilka ku dhaqan Koonfurta Liibiya taariikh ahaan waxay ahaayeen mukhalisiinta dadka tahiiribiya sababto ah gobolkaasi ma lahayn fursado dhaqaale”

Mukhalasiinta waxay muhaajiriinta marsiiyaan saxarahaLahaanshaha sawirkaAFPImage captionMukhalasiinta waxay muhaajiriinta marsiiyaan saxaraha

Madaxweynaha Suudaan, Cumar Xasan Al-Bashiir, ayaa kala qayb qaatay Midowga Yurub dadaal loogu jiro muhaajiriinta ku qulqulaya Yurub.

Micallef wuxuu yiri “labadii sano ee lasoo dhaafay, Suudaan waxay howlgallo ay ku baacsanayso muhaajiriinta sharci darrada ka waday xadka ay la wadaagto dalalka Chad, Liibiya iyo Masar.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top