Kala duwanaashiiyaha Hoggaminta Muuse Biixi iyo Dr. Abiy Ahmed Labo Madaxweyne, Labo Dhacdo iyo Labo Falcelinood

Gogoldhig

Sida lagayaabo inaad lawada socotaan, wakhtiyadan udanbeysay, waxaa Itoobiya iyo Soomaaliland ka socdey isbadalo xoogan oo saamayn weyna kuyeelankara mustaqbalka dhaw iyo kafog ee labada umadood.


Dhinaca Soomaaliland isbadaladaasi waxay ubadan yihiin isbadalo walaaceedaleh oo su’aallo galinaya sii jiritaanka dawladnimada curdinka ah ee layab-yabaayo, halka dhinaca Itoobiya isbadala socdaa ay u eegyihiin qaar dhinaca saxda ah looqaadey, oo umadda reer Itoobiya iyo mandiqada Geeska Africa nabad iyo barwaaqo u horseedi karta.

Dhinaca Soomaliland waxaad moodaa in madaxdii ladoortey ku hawlan yihiin ilaalinta iyo siixoojinta danaha reero gaaara, isla markaana meel leyska dhigey dantii guud iyo horumarkii dalka. Waxaad moodaa in dib

loogunoqdey shir beeleedyadii, maadaama kalsoonidii dawladnimada laguqabay ay meesha kasiibaxayso, cabudhintii iyo xadhigii bulshada rayidka waxay maraysaa halkii ugusareysay. Waxaa dibloogunoqdey dagaaladii sokeeye- Tukaraq & Ceel-Afweyne- waxaa debcay dabarkii umada iskuhayey-Social fabric- hanuunta umaduna aadbey uhooseysaa.
Xaga dhinaca Itoobiya lasameeyey horumar , lana qaatey go’aano adag oo masiiriya. Waxaa oodda laga qaadey dadkii siyaasada u xidhnaa, waxaa lafasaxay warbaahintii madaxabanaaneyd , waxaana laga shaqaynayaa soo afjarida colaadaha raagey ee Itoobiya iyo Eretariya iyo Itoobiya iyo Soomaaliya udhaxayn jirrey. Rajada shacabku aadbey usareysaa, mustaqbalkuna waa mid rajobadani ka muuqato.

Labo Dhacdooyin

Hadaba, iyadoo Soomaliland iyo Itoobiya ay marayaan marxaladahaas kaladuwan, ayaa labada wadan waxaa malmihii lasoo dhaafay kadhacdey labo dhacdo oo inkastoy kala duwanaayeen waxbadan wadaaga, taas oo igukaliftey inaan qormadan aan ka diyaariyo.

Dhinaca Soomaaliland, waxaa dhawaan lagu soo gaba-gabeeyey shir beelweyn oo Soomaliland degta uga socdey Buurta Gacan Libaax. Beeshani waa beesha tiro ahaan iyo deegan ahaan uguweyn Soomaaliland , waxaaney degaan 5 Gobol oo kamida 6 Gobol ee Soomaliland kakoobantahay. Inkasta oo shirkan beeshu ay arimaheeda gaarka ah kaga arinsaneysay, hadana qodobadii kasoo baxay waxaa kamid ahaa baaq ay beeshu udirtey Madaxweynaha Soomaaliland iyo dawladiisa oo ay kaga cabaneysay cadaalad daro xaga qaybsiga khayraadka, shaqada dawlada iyo adeegyada ay dawladubixiso. Go’aanka Madaxweynuhu arintan illaa iminka kaqaatey waa inuu ka’aamuso, ama iska dhaqo tirro. Taariikhda Adduunka iyo tan Soomaaliduba waxay inabarayaan natiijada kaladhalata marka cabasho tan oo kale ah ay madaxdu iska dhaga tirto.

Arintani waxay isoo xasuusisay, sheeko nin Soomaaliya oo aan Addis Abba kula kulmey markey taariikhdu ahayd 2008. Ninkani wuxu dhalasho ahaan kasoo jeedda beesha uu Maxamed Siyad Barre kadhashay- Madaxweynihiii hore ee Soomaaliya- waxaanu lasoo shaqeeyey dawladii Maxamed Siyad Barre. Wuxu ii sheegay in uu goobjoog ka’ahaa kulan magaalada Hargeysa kudhexmaray odayaasha Issaaq iyo Madaxweynaha. Kulankan waxay odoyaasha Issaaq Madaxweynaha ugudbiyeen cabashooyin ay xaga dawladiisa ka tirsanaayeen. Madaxweynuhu markuu cabashadoodi dhagaystey ayuu usheegay odayaashii iney kawarsugan.

Markii Madaxweynihii uu shirkii kasoobaxay ayaa wuxuu kulan gaarra laqaatey madaxdii Gobolka Waqooyi Galbeed xukumaysay, waxaanu lawadaagey cabashadii ay odoyaasha Issaaq usoogudbisay, isla markaana waxuu kacodsadey inay kala taliyaan go’aankuu qaadanla’haa. Nimankii waxay Madaxweynaha usheegeen, inaan cabashooyinkan waxba kajirin, isla markaana Issaaq kala qaybsanyahay, waxay qaadikaraana aanay jirrin. Madaxweynihii arintii waa qaatey wax warana kumuucelin odoyaashii.

Sanad kadib kulankaas, Hargeisa iyo Burcaba waa laburburiyey, dhamaan dadkii daganaa Gobolada Waqooyi Galbeed waxay qaxooti ku’ahaayeen dalka Itoobiya, muddo kooban kadibna waxaa meesha kabaxday dawladii Soomaaliyeed. Ninkan ii sheekeynaayey wuxuu aminsanaa in maalintaa cabasha’da odayaasha ladhagaysan waayey, ay ahayd maalintii dawlada Soomaaliyeed ay burburtey, si fududna wax looga qabankarilahaa hadii maalintaa odoyaasha ladhagaysan lahaa. Taariikhda ayaa inoo sheegi doonta in waxa manta Soomaaliland ka socdaa ay keeni karaan natiijo taas lamida iyo inkale.

Itoobiya

Dhinaca Itoobiya , Gudi matalaysay Muslimiinta Itoobiya ayaa lakulmey Ra’iisulwasaaraha Itoobiya, Dr. Abiy Ahmed. Guddidu waxay Ra’iisulwasaaraha la wadaageen dhibaatooyin ay sheegen in laguhayo ummada Muslimiinta ee dalkaas Itoobiya. Ra’iisulwasaaruhu wuxuu u saarey guddi soo baadha cabashooyinka ay Musliintu qabaan.

Guddidii waxay Ra.iisulwasaaraha usoo bandhigeen wixii uga soo baxay baadhitaankoodi iyo noocyada iyo baaxada dhibaatooyinka ummada Muslimiinta laguhayo oo ay maamuladii kaladanbeeyey ee Itoobiya ugaysteen. Dr.Abiy marka hore wuxuu kagaraabey cabashada Muslimiinta, waxaanu magacaabey guddi madax bannaan oo 9 xubnood ka kooban oo cabasha kasta iyo xalkeeda si tafatiran u soo diyaariya uguna soo bandhiga kulan dambe oo ay ku ballameen.

Doorka Hogaamiyaha

Sidaynu wada ognahay, hogaamintu maaha darajo and taaj lagashado ee waa inaad go’aan saxa qaadan karto xiliyada addag e kala guurka ah , go’aankaas oo dan u’ah jiilkan iyo jiilka soosocda. Sida kor kucad Maxadweyne Biixi iyo Ra’iisulwasaaraha Itoobiya waxaa soo gaadhey labo cabasho, waxay kabixiyeen jawaabo kala duwan, natiijaduna dabcan waykala duwanaaneysaa.

Gabagabo

Ugudanbayntii, waxaan jeclaan lahaa , inaan idinla wadaago hadal uu nin aqoonyahana oo waxbadan Soomaaliya kaqorey uu ii sheegey. Ninkan oo udhashay wadanka Ingiriiska, isla markaana mudo dheer Soomaaliya wax kaqoraayay, ayaan maalin waydiiyey, hadaad sookoobto maxaa Soomaalida kaagabaxay, wuxu iigu jawaabey “ Waa ummad aan taariikh deedda waxkabaran, jiil waloo cusubi wuxuu latacaalaa mashaakilaadkii kuwii kahoreeyey haystey, waxay udhintaan cuduradii kuwii kahoreeyey diley, waxay galaan qaladdaad lamida kuwii aabayaashood galeen, waxaaney kasheekeeyaan sheekooyin lamida kuwii waalidkood kasheekeyn jireen”.

Waad Kumahadsantahay wakhtiga aad siisay inaad akhrido

Qore: Abdirahman Muse Abdillahi