Waxaan Isku Hayno, Waxa Ina Mideeyaa Ka Weyn. Qalinka: C/raxmaan Sayid Faarax (Jeesto).

Maanta waxaan u holadey dhinaca Qaranimada iyo waxa inaga dhaxeeya hadaynu nahay umad-weynta sharafta, gobanimada iyo milgaha leh ee reer Somaliland, Walaalayaal Soomaalidaa tidhaahda (Nin Ilaahey Eryanayaa Ma Dheereeyo), Waxaan uga gol leeyahay horta ma gaabinayno Rabbina waxa uu inagu galadey nimcooyin fara-badan oo dhinac walba teedsan gaashaanka kaliyaatee Somaliland leedahay waa (Rabbi S.W.T), Markaa ayaaney inooga darin nimcadu hadii kale cadho Rabbi ayaa inagu habsani markaasaynu is waayi ooynu is doon-dooni, Hadaba walaalayaal waa inaan ilaashanaa waxa ina mideeya mana aha inaan isu gambino galada ama nimcada aan nasiibka u helay.

Hoge-tus aakhiro iyo meesha xaqiiqda ah ee loo socdo hadaan halkaa kaga imaado ,

Waxa jirta maalmahan danbe in ay umada reer Somaliland yara kala didsan tahay ama ay dadyawga gaarkood wax saluugsan yihiin, Tabashada uu ruux kastaa qabo waxa ka weyn ta ina mideysa oo ah Qaranimada Somaliland, Muslimnimada, Wada dhalashada Iyo Isirka jinsiyadeed, Hada looma baahna yadoo dabarkaa culusi uu inaga dhaxeeyo inaan si fudud isu kala gurno ama aan ku kala qaybsano waxaan macno buuran lahayn midna ku darsoo aduunka dhamaantii cid uun baa lagu liica ama tanaasulka iyo suluxa ku caano-maasha waa umada wax wada lehe, Kuwa aan ka waramayaa ama aan la dar-daarmayaa ma,aha umada kale waa Umada reer Somaliland oo aan xasuusinayo halkay ka soo anba-qaadeen hirerka midha-dhalka taaba-galkiisu muuqdo iyo halkii markeedii hore ay taagnayd, Maansha Allaah Calaa Kulu-xaal.
Hadaynu nahay umada reer Somaliland waxa inala gudboon cabasho kasta, saluug walba, iyo tabasho kasta inaan ka horumarino Qaranimo waayo taasaa wax walba ka weyn waa curada waxa inaga dhaxeeya, Waxa jira dunida loolan iyo is-garab yaac dhinaca nolosha ama horumarka umad waliba waxay u hirdamaysaa inay doorkeeda banaysato hadaba si aan doorkeena u muujino, Aan ka tanaasulo wax kastoo quwadeena ama midnimadeena kala kaxaynaya oo ay ugu horeyso danta gaarka ahi maxaa wacay taasi inama kulmiso inagamana dhaxeyso waa astaanta dib-u-socodka, Marka aan u hiilino waxan soke waxa ka shisheeya oo ah rajada mustaqbal ama is baddalka dabciga caalamku ku shaqeeyo ee nolosha bani-aadamkana saamaynta ku leh, Muhiimada koowaad waxay tahay in shakhsi, shakhsi ama qof-qof aan u dareeno waajibka iyo xilka ina saaran.

Waxaad moodaa inaan badan soo yara guud-marey oo aanan hadalka saafin ama aanan caadayn waxaan ka wado amuurtani, Maalmahan waxa socday shir-beeleedyo ay qabsanayeen umada walaalaheena oo reer Somalilandna ah waxaaney ku saleeyeen cabashooyin, wax tirsi, ama eex dhinaca xukuumada amaba hogaanka Qaranka, Balse ma wanaagsana wadada loo marey waayo waxaan samaysanay Xisbiyo ama Axsaab Qaran taasaan wax ku qaybsan karnaa ma,aha inaan ka been sheegno erayada hal-hayskeena ah sida waxaan nahay umad fahantay Dimuqraadiyada iyo Dawladnimada san taasina qaabka beelnimada ama qabaa,ilku meelna kama soo galaan waxaan noqonaynaa uamad is hafreysa maxaan aqoonsi helnaa oo aan horumar gaadhnaa soynagan isla hadhayna inagu ee mid mid isu gawracayna.

Waxa loo baahan sida uu jismigeenu u korayo inay aragtideenu u korto lana talaabsato caalamka iyo waxaan doonayno ee habeen iyo maalin u daalanahay oo ah inaan dunida ka mid noqo sidana maaha dawgeedii, Waxaad moodaa inaan dhaafsanahay ciriqii loogu tala-galey waxa taa u daliil noqonaya qaab fakirkeena ama aragtideena daciifka ah ee marka kasta dantii Qaranka ka horeysiinaysa danta Qabiilka, duniduba qabaa,il way tahay wayna leedahay laakiin kuma dhaqmaan dibbadana looma soo saaro, Maanta waxaynu tabaynaa is urursi qaranimo ee ma tabayno is urursi qabiilnimo waayo kaasi meel xun ayuu inaga ridayaa hadaan qabiil ku heshiino maalin walba sida basasha ayuu isu dhilayaa loomana tag helayo, Ee aan ku heshiino qaranimo mid kastaana ha ogaado iney ka weyn tahay wax kasta waxa ina mideeyaa.

Waxaan nahay qaran dhameys-tiran kaasaa inaga turjuma oo ina mideeya ma jiro wax kale oo ina mideeyaa, Umadaha sooyaalkooda aan culuunta u haysanaa wax kale kumay helin waxay ku hantiyeen buun-buunintaa iyo iney aqoon noqoto taariikhdoodu waxay ilaashadeen wixii yaga ka dhaxeeyey, Hadaba inaga reer Somaliland ahaan waxa maanta inala gudboon inaan aragti mida ka yeelano waxa inaga dhaxeeya oo ah Qaranimada Somaliland iyo wax wada yeelashadeena oo halka ugu sareysaa ay tahay Qaranimo ilaa halka ugu hoosaysa yaduun baa ina midaysa ma jiraan wax kaloo ka weyn amaba labeeyaa, Hadii aynu intaa fahano wax badan baynu qabsani duniduna way inoo istaagi maxaa yeelay qaacido siyaasiya oo caalamiya ayaa tidhaahda (Interail Policy Reflect To Exteral Policy), Wax kasta oon doonayno markaa waan hananaynaa hadii Eebe idmo ee aan iska ilaalino Gorof-wareega.

Qalinka: C/raxmaan Sayid Faarax (Jeesto

Diplomatic Annlism.

Gabiley/Somaliland.

bdiraxmaanjeesto111@gmail.com