Horuumar Ka Somaliland Wuxuu Ku Xidhanyey Horuumar Ka Miyigaa Laga Sameeyo

Somaliland nolosheeda si qoto dheer loo a eegin weligeed oo loo a fiirsan nolosha wadanka sida rasmiya ay tahay dabadeed a waa la fahmi lahaa sida isbedel degaan, dad, iyo loo samayn lahaa dabadeed la gaadh laa in dadka wadanku u baahanyey la soo Saari lahaa. Imika bulshadu sidan ay tahay horuumar ma iman karo. Waxay nu haysannaa in horuumar ka ina anfacaa magaalooyinku laga samayn karo oo dad ku waxay eegayayaan dhisme yaal jammad ah oo sanamo iska ah iyo badeecad yar inay horuumar tahay. Sidaa arinka maaha e illaa aad dadkii shirts sii dhabar goaysa beer lahaa ee biiadda (environment) ilaalin lahaa la soo saaro.

dalka waxba laga a bedelin karo. Xukunkasta oo la booboo, xulafaysi kasta oo la sameeyo, kootooyin iyo mashaariic dad boobaan weligeed wadanku is bedel ma imanayo illaa dadka miyiga oo ah kuwa iyagoon waalan magaalooyinku soo gelaya wa. Laga bedelo. Dugsiyadan magaalooyin ka miyiga la geeyo, jaamacadaa miyiga la geeyo, wax barashoo dhan miyir loo raro, magaalada dukaanada iyo xafiisyada laga tago.

Imika sidan ay tay ee laga dhigay in magaalo wax walba yaal iin waa been een aan (study) lagu samayn ayaa la iska rumaystay. Wadanku wuxuu u baahanyey in dad cusub la soo saaro. Sidaasuna waxay ku imankartaa in miyiga loo saaro oo magaalo la fogeeyo caruurta wax badanayaa oo dhan laga bilaabo mulcaamado, dugsiyo, jamacado oo miyiga horuumar oo dhan la geeyo. Miyiga loo shaqo tago wax barashoo dhan miyiga loo doono markaa ayuu ummad kasta oo Somali ah wax iska bedelin karaan.

Binu Adamka adduunku qolo kastaa waxay haystaan iyo biiadda wadan kood a ayey fahmaan markaasay taa horuumar iyana, inagu eryanaa horuumar moodnaa lacagtoo aqalo aan loo baahnayn la geliyo oo sano a ah, hotelo aan loo samayn dadkii wadanka lahaa ee ajanebi loo samaysay oo afar Doolar habeenkii ah ayaa la kordhiyaa oon nolosha wadanka wax xidhiidha la lahayn oon horuumar ahayn. Basashii, tamaandhadii liintii wixii wadankaa ga iyo miyiga aga ka BIXI lahaa ayaa masar iyo wadamo kale laga keenaa, sida saca ahi waxa weeye in la joojiyo oo dadka lagu qabo, la baro inay wadanka ka soo saaraa haddii kale ha inaga maqnaadaan khufrafda qudhuntay iyo beedka dooni da lagu keenay ee xumaaday.

Noloshu waxay ku xidhantay inaynu miyiga horuumar ka soo bilawno, reer miyi bay u nahay reer magaal is oo days oo qaldan nolosha Somalidu fahan Bay u baahantay. Jaamacadaheenu gucdur Bay gudayaan wax (research) ah ma sameeyaan, isbedelka laga samayn karo nolosha wadanka kama fikiraan magacyadaa uun baa jaamacad lagu sheegaa.

MBashe (Meerkat)
qoranebashe@gmail.com