Somaliland Ma Ka Badbaadi Doontaa Damaca Siyaasiyiin Hore Isugu Seegay Saaxadda, Uur-kutaallo Siyaasadeed Oo Hayb Qabiil Xambaarsan Iyo Saamaynta Nidaamyada Beelaysan

(SLT-Hargeysa)-Marxaladihii kala duwanaa ee Somaliland soo martay tan iyo markii ay madax bannaanida kala soo noqotay midawgii fashilmay ee Soomaaliya, sannadkii 1991-kii kadib dagaalladii dib-u- xoraynta waxa siyaasadda Somaliland saamayn weyn oo Taban ku lahayd mar walba hannaanka siyaasadeed ee qabiilaysan taasi oo keentay in aanay siyaasiyiinta iyo halgamayaasha beelaha kala duwan ee dalku aanay isku indho buuxin.

Inkasta oo dalku soo maray marxalado kala duwan oo dib u heshiisiineed tan iyo 1991-kii taasina ay barbar socotay dhismaha haykalka dawladnimo maanta oo aynu joogno 2018 waxa wali muuqata sida ay siyaasadda dalkeena iyo hannaanka dawladnimo ee qarankeena ugu sidkan tahay qabyaaladda iyo kala fogaanshaha siyaasiyiintu taasi oo saamayn xun ku yeelan karta geeddi socodka dhismaha qaran ee dawlad casri ah oo sharcigu sarreeyo.
Tan iyo wixii ka dambeeyey dawladdii Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal ee lagu soo dhisay degmada Boorama saamaynta siyaasiyiinta aragtiyaha qabyaaladeed ka shidaal qaataa waxa ay ahaayeen kuwo laciifayay oo hoos u dhac weyni ku yimid illaa laga soo gaadhayay dawladdii Daahir Rayaale Kaahin oo iyana aanay wax saamayn ah arrimahaasi ku lahayn balse waxa xaajadani soo rogaal celisay markii uu talada dalka yimid Siyaasiga halgamaaga ah ee Axmed Siilaanyo.

Dadka u kuur gala siyaasadda Somaliland waxa ay walaac ka qabaan isu-muuqashada siyaasiyiinta Muxaafidka iyo Mucaaridka ah ee dhabarka ku haya beelah isu muuqda oo qaarkood wakhtiyo hore isku seegeen saaxadda siyaasadda balse muddo ku kala fogaa fagaaraha loollanka taasi oo ay imika dib u soo kicisay doorashooyinkii ugu dambeeyey ee dalka ka qabsoomay, xaaladdana xumayn karta haddii ay siyaasiyiintu dhinac kasta ha ahaadaane ku gooddiyaan nidaam beeleed oo u muuqdo wakhtigan mid halis galin kara qaranka ee aan waxba soo kordhin Karin.
Si kastaba ha ahaatee Somaliland waxa ay u baahan tahay in ay ka badbaado isu bu’idda iyo laab garaacidda nidaamka beelaha ku dhisan oo haddii lagu badhxo nidaamka xisbiyada badan ee dastuurku jideeyey keeni kara burbur qaran, xisbiyadana daciifin kara halkii ay ahayd in xisbiyadu ka noqdaan kuwo dadku ku kala biiraan iyaga oo isku dhafan oo aan isu raacin hayb qabiileed. Waxaana shacabka Somaliland la gudboon in ay il feejigan ku eegaan siyaasiga iyo madax-dhaqameedka siyaasadda ku milmay ee haybtiisu kala qiimo badan tahay hannaanka qaran kuwaasi oo loolli ka ridi kara dalkan curdinka ah.

Hadaba haddii aynu dib ugu yara noqon Waayihii adkaa ee ay Somaliland soo martay iyo wakhtiyadii aasaaskii qaranadimadeeda iyo nabadaynta beelaha iyo hub ka dhigistii,waxa uu hirdan culus oo siyaasadeed waagaasi dhex maray siyaasiyiin hadda Dalka ku wada sugan oo qoodha iska eegaya kuwaasi oo isaseegay waagaasi islamarkaana qaarkood dibadaha u waxbarasho doonteen halka qaar kalen siyaasadoodii u digo rogeen wadamo kale. Waxa ay kala ahaayeen Madaxweynaha Maanta Muj Muuse Biixi Cabdi iyo Wasiirkiisa Arimaha Gudaha Muj Maxamed Kaahin oo illa wakhtigaasi gaashaan buur siyaasadeed ahaa,iyo ragga imika aadka u doobinaya ee shirkii Gacan libaax qabtay waa Muj Axmed Mire iyo Ismaaciil Hurre Buubaa. Lama garanayo inay siyaasad aargoosi ah dheelayaan laakiin waxaa tan iyo markii uu Muuse Biixi fuulay kursiga guux badan ka istaadhmay deegaamada ay siyaasiyaasiyiintaasi kasoo jeedaan. lamanna garanayo halka uu xaal ku dambayn doono.

dhinaca kale Suldaan Xuseen Xasan Cali Waraabe oo ka mid ah Madax-dhaqameedka Gobolka Maroodi-jeex oo shalay ka hadlayay xaaladda ayaa waxa uu isku xidhay xaaladda dalka hadda ka taagan iyo tii hore loo soo maray wakhtiyadii dagaalada Sokeeye isaga oo ka digay siyaasiyiinta durbaanada tumaya. Suldaanka ayaa yidhi: “Waxaan u sheegayaa dadka reer Somaliland in Dadka halkaa isugu tagay ay ka mid yihiin dadkii Berbera Burco iyo Hargeysa gubay oo doonaya maanta in ay dadka reer Somaliland isku dilaan. Aniga oo ka mid ah madax dhaqameedka waaweyn ee Somaliland gaar ahaan Garxajis arrinkaasi waan ka soo hor jeednaa waxaanu yeelaynana maaha wax aanu qaadanaynana maaha. Haddii la joojin waayaba cawaaqib xumo ayay keenaysaa”.

Somalilandtoday/Hargaysa/Office