Dagaallada Ka Dhacay Koonfurta Suuriya Oo Ay Ku Barakaceen Dad Ka Badan 270,000 Qof

(SLT-Suuriyada)-Ugu yaraan 270,000 oo qof oo degganaa Koonfurta-Galbeed ee Suuriya ayaa guriyahooda ka qaxay tani iyo marki ay laba toddobaad ka hor ciidamada dowladdu billaabeen howlgallada goobaha ay weli gacanta ku hayaan fallaagada.

Qaar badan oo dadkaasi ka soo qaxay deegaannada ay dagaallada ka socdaan ee Deraa iyo Quneitra ayaa waxay u qaxeen xadka Urdun iyo buuraha Golan ee ay Israa’iil xoogga ku haysato.

Ilaa iyo hadda ma jiro dal aqbalay dadkaasi soo qaxay oo ay tiradoodu sii kordheyso waxaana laga cabsi qabaa iney masiibo bani-aadaminimo ay ka dhacdo.

Ciidamada dowladda oo gacan ka helayo diyaaradaha dagaalka ee Ruushka ayaa waxay sii ballaadhinayaan weerarradooda.

Axaddi, kooxda fallaagada ee gacanta ku hayso magaalada muhiimka ee Bosra al-Sham ayaa waxaa la sheegay iney oggolaadeen iney hubka dhigaan oo ay aqbalayaan una hoggaansamayaan maamulka madaxweyne Bashar al-Assad.

Dad ka badan 130 qof ayaa lagu dilay inta ay xiisaddu isa soo tartay, sida ay sheegeyso hay’ad u doodda xuquuqda aadanaha Suuriya uu fadhigeedu yahay Britain.

Deraa iyo Quneitra ayaa hadda xoogaha deggan mudda sanad kaddib iyada oo ay isku maan dhaafeen Mareykanka iyo Urdun oo mucaaradka taageera iyo Ruushka oo xulafa la ah dowladda Suuriya.

Balse Bashaar al-Assad ayaa bisha April xoogga saaray sidi uu u hanan lahaa gacan ku haynta deegaannada ay weli gacanta ku hayaan fallaagada ee bariga Ghota oo ka baxsan magaalada Dimishiq.