Boqor Buur-Madow Iyo Madax-dhaqameed Kale Oo Kulan Albaabadu U Xidhan Yahay La Yeeshay Madaxweyne Biixi Iyo Arrimaha Ay Ka Wada-hadleen

(SLT-Hargeysa)-Madaxwaynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta Madaxtooyada ku qaabilay Boqor Cismaan Maxamuud (Buur-Madaw) Salaadiin iyo Waxgarad ka soo jeeda beesha Biciido ee ka mid ah Beesha Habar-jelo.

Kulankan ayaa daba socday kulan hore oo daraad ka qabsoomay xaruntaasi oo badi ay joogeen Salaadiinta Beesha Habar-jeclo marka laga reebo intan maanta la kulantay oo aan ku jiray balse fadhigaasi hore la sheegin waxaa ay saluugeen ee ay ugu baaqeen, inkasta Muuse Biixi codsaday in fadhiga dambe beesha Biciido loo keeno.

Lama garanayo waxaa keenay kulamadan is-daba jooga ah ee madaxwayne Biixi la sheegay Salaadiinta iyo wax garadka Beesha Habar-jeclo intii ka dambaysay gunaadadkii shirka Garxajis.

Dhinaca kale Madaxwayne Biixi ayaan wali ku guulaysan in uu wax ergo ah u diro beelaha Colaadu ka dhaxayso ee deegaanka Ceel-afwayn oo uu sheegay in kowda bishan waan-waantoodu bilaabmayso.

Inta badan kulankan ayaa la filayaa in uu noqdo mid laabxaadhasho ah halka dhankale lagaga hadlayo Colaada Ceel-afwayn. Dhinaca kale Madaxweyne Muuse Biixi oo ku soo baxay doorasho xadaafiir xun ummadda ku reebtay aadna u kala qaybisay ayaan wali wax kulan ah la yeelan Madax dhaqameedkii shirka ku qabsaday Buurta Gacanlibaax.

Somalilandtoday/Hargaysa/Office