Madaxweynaha Soomaaliya Oo Ka Hadlay Dagaalka Tuke-raq, Baaq-na U Diray Somaliland Iyo Puntland

(SLT-Muqdisho)-Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa khudbad dhinacyo badan taabaneysa waxa uu maanta ka jeediyey garoonka Kubadda Cagta ee Banaadir, halkaasi oo lagu dhigay Banaanbax loogu dabaaldegayo munaasabadda Kowada July.


Waxa uu madaxweynaha soo hadal qaaday colaadda Tukaraq ee u dhaxaysa dawladda Somaliland iyo maamulka Puntland, wuxuuna Labada dhinac ugu baaqay iney nabadda qaataan oo wax walbo wadahadal lagu dhammeeyo.

“Soomaaliya waxay u baahan tahay Nabad, dagaal dambe iyo colaad dambe uma baahna, waxaan leeyahay arrimaha Tukaaraq ka socda ee dadka Soomaaliyeed dhiigooda bilaa micnaha ku daadanaya hala joojiyo, waxaa ku dhimanaya wiil Soomaaliyeed, waxaa ku dhaawacmaya wiil Soomaaliyeed, hooyo Soomaaliyeed ayaa ku gablameysa” ayuu yidhi madaxweyne Farmaajo.

Somalilandtoday/Muqdisho/Office