Xornimo Sibigla’ iyo Xusuustii Ingiriiska W/Q: Yaxye Xanas

Gummaystihii Qaaradda Afrika boobay ee kusoo duulay sannadihii 1880-1970 oo loogu yeedhi karo qarnigii gumaysiga dadyawga madowga ah ayna xoog kusoo galeen ciidamadda iyo madaxda reer Yurub dhulkooda ka dib shirkii Berlin ee “Boobkii Afrika/Scramble of Africa”oo dhacay 1884. Dhulka Soomaliyeed gumeystihii qabsaday 1887kii wuxuu ahaa Ingiriiska, Faransiiska iyo Talyaaniga, Gaar ahaan dhulka Soomaliland waxa qabsaday Ingiriis oo kasoo degay badda-cas siiba magaalo xeebeedka Berbera. Odayaasha, indheer-garadka iyo guurtidii waxa ay ka digtoonaayeen dibin-daabyo uga yimaada maamulka isticmaarka oo waxay kula saxeexdeen heshiis laba-geesood ah Badda dushiisa heshiiskaas oo lagu kala saxeexday saan.

Maamulkii Ingiriisku wax-qabadyo balaadhan iyo isbedello waaweyn kama fulin muddadii uu ka talinayay sababo dhawr ah aw-good. Ugu horreyn, waxa si midaysan uga gaashaantay wax-garadka iyo gadh-casta oo horjoogsaday inuu si hawlyar u fuliyo qorshayaashiisa iyo siyaasadihiisa oo dadka somalidana markii dambe uu ku sifeeyay dad ku adag dhaqankooda, diintooda iyo qabiilkoodaba. Ta labbaad, waxa kale oo Ingiriisku caqabad ku noqotay maamul reereed-yadii dhisnaa sida Boqortooyadii u gadh-wadeenka ka ahaa Suldaan Cabdilaahi Suldaan Diiriye oo awood iyo taageeroba lahayd si aad ahna ugasoo horjeesatay isticmaarka.

Sababahaas awgii Gumaystihii kama fulin mashaariic waaweyn degaanadda Somaliland. Laakiin waxa xusid mudan in Isticmaarka Ingiriisku uu aad ugu soo jeeday haysashada iyo ilaalinta Somaliland sababta oo ah mudnaanta juqraafiyadda ay dhacdo. Haddaba, Waxa safar booqasho oo u qorshaysnaa ka baaqatay Boqoraddi Ingiriiska Marwo Elizabeth balse soo igmatay Duke sannadkii 1958. Goob-joogayaashi iyo odayaashi xasuusta ayaa sheegay in Sarkaalkani gaadhi noociisu yahay Hamar ku wareegay magaaladda isagoo furay mashaariic ay ka mid ahaayeen Gegeda Diyaaradaha Hargeysa, Idaacadda Radio-Hargeisa, Cisbitaalka guud iyo Guriga dawladda amase State house ka oo ahaa qasrigii ugu weynaa ee madax loo dhiso Afrika gudaheeda.

Si kastaba ha ahaatee, dabaylihii xornimo doonka, baaqyada isbadello siyaasadeed iyo qeexidii yoolalka gobanimada ayaa ka curtay geyiga Soomaaliyeed oo ay hormuud u ahayd magaaladda Hargeysa. Ka sakow abaabulka iyo dhiidhiga dadweynaha waxa jiray urur siyaasadeedyo qaabeeyay qorshaha iyo isku dubaridka hiigsiyadda siyaasadeed. Urur siyaasadeedyadii ugu tunka weynaa waxa ka mid ahaa SNL oo uu gadhwadeen u ahaa AHN madaxweynihii hore ee JSL Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, NUF oo uu hogaamiye ka ahaa Maykal Maryama iyo SYL oo Waqooyiga ku xooganayn. Kadib kacdoon shacab oo baahsan kana turjumayay duruufo wadaniyeed oo ay sal-dhig u yihiin in la helo dad iyo dawlad xor ah. Waxaa midho-dhalay baaqyadii bulshadda isku duuban ee lahaa hal ujeedo oo qeexan.

Taariikhdu markay ahayd bisha Juun 1960 waxa uu Ingiriisku u asteeyay in uu ummadda ku wareejiyo hantidii ugu qiimaha badnayn “XORNIMO” ee ay u hanqaltaagayeen muddo-dheer. Dadweynaha ku dhaqan magaaladda Hargeysa oo aad u xamaasadaysnaa, xiise iyo hamuuna u qabay inay dib u helaan calankoodii & ciidoodii ayaa so buux-dhaafiyay madasha Garoonka Xeegada (Masjidka Sh Ibrahim) si ay uga qaybgalaan munaasibadan boqran. Maamulkii isticmaarka iyo wakiiladii soomaalida aha waxay ay soo agaasimeen xaflad heersare ah oo ay muusikada iyo baanboyda u tumayaan koox-fanneed Iskootish ah si ay ula riyaaqi lahaayeen dareenkoodana u hagaan kumanaanka kasoo qaybgalayaasha ah.

Sidii xafladdu u bilaabantay fiidnimadii 6:00 cabbaar kadib, waxa haddana loo socdaalay dhankaas iyo Beerta xoriyadda Magaalada Hargeysa oo ay ku sugnaayeen shacbi, madax iyo abwaano iyaguna u jeelan oo u muusoonayay inay ka qaybqaataan xafladdan qiimaha leh.

Habeenkaas xornimadda dadka sida tiriiga uga ifayay xafladda xil-wareejinta xoriyadda Somalidu waxay ahaayeen Abwaanadda iyo suugaan yahankii ka gebyay ama ka geeraaray madasha. Haddii aynu dib u milicsano mahadhooyinki iyo suugaantii habeenkaas laga tiriyay Beerta xoriyadda waxan ka mid ahaa:

Gabaygii caanka baxay ee uu tiriyay AHN Abwaan Timacadde:

Calankaanu sugaynee

Ee aan Saadaalinaynoow

Sareeyoow ma nusqaamow

Aan siduu yahay eegee

Kanna siib kanna Saar.

Amma Gabaygii Saxardiid Jebiye:

Soomaalaay kullidaa

Kulmiyaa la sudhee

Kadabaa dhaha,

Abwaanadda kale ee sida baaxadda leh uga qayb-qaatay waxaa ka mid ahaa: Barkhad Cas,Cali Sugule (Tixdii Maandeeq) , Cabdi Iidan iyo Cabaade.

Guntii iyo gebagabaddii, ammintu markii ay ahayd 12:01, June 1960 (labba iyo tobankii iyo hal miridh) ayaa goobta Beerta xoriyadda lasoo dejiyay Calankii gumaystaha ee Ingiriiska laguna saaray kii Soomaliyeed, taas oo Hargeysa ka dhigtay magaaladii u horeysay ee xoriyad lagaga seexdo geyiga Soomalidda. Hase ahaatee, Soomaaliland oo maalmo uun ka bacdi la midowday Walaalahoodi Soomalida Koonfureed oo Talyaanigu gumaystey wax ictiraaf ah kama helin dawladdaha caalamka muddo laga joogo 27 sanno oo ay gooni uga goosteen Soomaaliya. Dawladda Ingiriiska oo ahayd maxmiyadda maamulaysay Somaliland 73 Sanno uma ogalaan in Somaliland ka mid noqoto wadammada ku bahoobay Ururka Barwaaqa-sooranka kaas oo u horseedi laa horumar dhaqaale iyo xidhiidh wanaagsan oo sahla ictiraafka ka maqan umadda Somaliland.

Wabilaahi Tawfiiq: Wixii laaxin Taariikheed waxaan diyaar u ahay inaan saxo maaddaama oo aan maqaalkan kooban kusoo ururiyay intii aan ku maqlay (Cilmi-dhegood) Xornimaddi 1960 oo aanan xaadir ahayn.

W/Q: Yahye Maxamed Cabdi “Xanas”

Contact: xanas08@gmail.com