Connect with us

somalilandtoday.com

Cabdiweli Gaaska Oo Ay Isku Rogtay Abaabulkii Dagaalka Tuka-Raq Iyo Shirkii Golaha Wasiirada Oo Uu Kaga Calaacalay Maleeshiyo Aan Ka Amar Qaadan Oo Dul Fadhiistay Xeryihiisa

English

Cabdiweli Gaaska Oo Ay Isku Rogtay Abaabulkii Dagaalka Tuka-Raq Iyo Shirkii Golaha Wasiirada Oo Uu Kaga Calaacalay Maleeshiyo Aan Ka Amar Qaadan Oo Dul Fadhiistay Xeryihiisa

(SLT-Garoowe)-Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, ayaa cabasho iyo walaac ka muujiyay ciidamo maleeshiyo beeleed ah oo aan isaga ka amar qaadan, kuwaas oo toddobaadkan ugu biiray maleeshiyada Puntland ee dhawaan weerarada ku soo qaadaysay ciidamada qaranka Somaliland.

Sida ay warar xogogaal ahi sheegeen, shirkii golaha wasiirada ee Puntland ee khamiistii, ayuu Cabdiweli Gaas ka jeediyay khudbad uu kaga hadlay inay deegaanka lagu magacaabo Karkaar, gaar ahaan Qardho ka yimaadeen maleeshiyo beeleed uu sheegay inay soo ururiyeen dad dano gaar ah leh oo ka soo horjeeda maamulkiisa, kuwaas oo iyagoon wax xidhiidh ah la samayn taliskiisa si toos ah ugu biiray maleeshiyada doonaysa inay soo weerarto ciidanka qaranka Somaliland ee jooga Tuko-raq.

Wuxuu Mr. Gaas, sheegay in maleeshiyadaasi ay wataan ajande siyaasadeed, oo aanu magacaabin, isagoo xusay inay dhaawacayaan dagaalka uu ku jiro sida uu sheegay, waxase sida ay warbaahinta Puntland baahisay hadalkaas ka jawaabay wasiirka xanaanalada xoolaha ee maamulkiisa Mr. Cabdilaahi Sheekh Axmed, oo sheegay in maleeshiyadu ku ambo-baxeen ka dib markii ay Puntland dalbatay gurmad ciidan. Laakiin Mr. Gaas ayaa ku celiyay sida ay warbaahintu sheegtay in maleeshiyadaasi ay halis ku yihiin Puntland, maadaama oo aanay isaga ka amar qaadan.

Wuxuu Mr. Gaas, wasiirkiisa faray inuu ka hawlgalo sidii maleeshiyadaas loogu dari lahaa maleeshiyada isaga ka amar qaata, waxaanu sheegay inay xeryo iyo talis gaar ah oo ka madaxbanaan kuwiisa samaysteen, isagoo sheegay inay ka amar qaataan siyaasiyiin aanu magacaabin, balse ay warbaahintu sheegtay inay ka mid yihiin murashixiinta doonaysa inay la baratanto, marka la qabto doorashada madaxweynaha Puntland.

Wararka ay warbaahinta Puntland baahisay, waxay ku sheegtay in cabsida Mr. Gaas la xidhiidho walwal uu ka qabo in maleeshiyadaas ka yimid deegaanka Qardho loo adeegsado dagaal siyaasadeed oo ka dhan ah maamulkiisa, maadaama oo uu doonayo inuu dhawaan sameeysto muddo kordhin ay ka soo horjeedaan siyaasiyiintan ciidamadan Garowe dushiisa soo dhigtay.

Siyaasiyiinta Puntland ayaa Mr. Cabdiweli Gaas, ku eedeeya inaanu lahayn ajande siyaasadeed oo la xidhiidha colaadda Tuko-raq, waxaanay aaminsanyihiin inaanu doonayn in la dhammeeyo colaadaas oo sababtay khasaare badan.

Ciidamadan ka yimid Qardho, oo tiradooda lagu sheegay ilaa 200 oo wata tikniko dhawr ah, ayaa markii ay tageen xeryaha maleeshiyada Puntland, waxay samaysteen xero u gaar ah iyo talis u gaar ah.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in English

To Top