Baaq Ku Aadan Sadexda Murashax Madaxweyne..W/Q Saleebaan Gargaare

Mahad oo dhan ILLAAHAY ‘SWT’ baa leh, guul iyo nabad innoogu soo dhammeeyey ololihii 21 cisho ahaa ee uu qarankeenani ku soo jirtay, muddo dii u danbeysay. Waan bogggaadinayaa waanan hambalyeynayaa taageerrayaashii saddexda xisbi ee sida wanaagsan shucuurtooda u muujiyey unna taageerray xisbiga iyo musharaxa ay rabaan.

Haddii tartan la galo cid uun baa guulleysata inta kalena guusha wey la wadaagtaa. Musharrixiinta tartanka madaxweynanimo waxaan u soo jeedinayaa in ay Somaliland-nimadoodu ka weynaato kursi doonkooda oo ay natiijo walba oo sharci ah kana soo baxda komishanka doorashooyinka ay aqbalaan unna hoggaansamaan.

Ololaha ayaa iska leh xanafta, xagxagashada iyo hadalada kulkul ee dhaleecayanta iyo weerarkaba leh, balse waxaan leeyahay sidaa uu ololahu innoogu soo dhammaaday is weerarkuna ha innagaga dhammaado oo coddeynta aynnu u diyaar garowno, wixii ka soo baxana ha noqdo wax inna wada deeqa oo aynnu aqbalno.

In Somaliland ay horre uga sii socoto halkan ay maanta taagan tahay, waxay ku xidhan tahay oo ay maanta gacantooda ku jirtaa Illaahay ka sokow, saddexdan musharax ee tartamaya, haddii mid ka mid ahi go’aan qaldan qaatana waxay qarankeena ku noqon doontaa dhabar-jab iyo dib u dhac wayn.

Doorashada doorkan, waa mida 13 November aynnu coddeydoonee wey ka xamaasad iyo ficiltan badan tahay labadii doorasho madaxtooyo ee aynnu horre uga soo gudubnay. Maxaa yeelay waxaa caqabad iyo nusqaan ku noqday qabyaalad aynnaan horre u arki jiray oo innagu soo ifbaxday muddooyinkii u danbeysay taasoo ba baqdin gelisay dad badan, sharaftii ay Somaliland ku soo caanno maashayna dhaawaci gaadhay, balse ay weli rejo ka bogsasho ahi ay shacabka u laaban tahay.

Runtii Somaliland maanta way ka soo gudubtay waqtigii looga baqi lahaa in ay dib u noqoto oo ay doorashaddani khalkhal iyo rabshad ku abuurto. Waxaynu leenahay ciidamo amni oo hadh iyo habeenba heegan uugu jira nabadsugida iyo jiritaanka qarankeena, waxaynu leenahay odayaal iyo waxgarad marka khilaaf yimaado isku tanaasula isna saxa, waxaynu leenahay madaxweyne waayo araga oon marnaba ogolaanayn in qarankani si dhibyar ku dhaawacmo, intaa iyo in kaloo ka badan ba waa waxa Somaliland maanta soo gaadhsiiyey halkan ay joogto.

Ugu danbeyn waxaan baaqeygan ku soo gunnaanadi lahaa, reer Somalilandnoow, aynu si dagan oo amni leh u coddeyno, sidoo kale aynnu illaalinana nidaamka iyo asluubta doorashada, qof walbana musharaxa uu doonnayo codkiisa ha siiyo, tartamayaashuna natiijada u soo baxda ha dhawraan hana u hoggaan samaan.

 

W/Q: Saleebaan Gargaare                    

Email: sallo_gargaare@hotmail.com