“ Waxaan Doonayaa Madax aan Dulaysnayn “ W/Q: Saciid Cagjar

“Xilkuba baabuur miyaa
Bangalo meel laga dhistiyo
Ma beeso ku raadsa-baa
Xilkuba wax ku boob miyaa
Xilkuba bohol qodo miyaa
Xilkuba basar xumo miyaa?
Bulshada ku canaad miyaa ?”

Tan iyo markii Somaliland dib u hanatey madax-bannaanideeda Sannadkii 1991-kii 18-kii May , waxay soo mudatay jid dheer kaas oo aan cidina ugu manno sheeganayn haddii ay tahay nabadeyntii, hubka dhigistii maleeshiyaadkii hubaysnaa, abuurista laamaha dawladda iyo hawl-gelinta Goleyaasha dastuuriga ah
Beesha caalamku waxay indhaha ka qarsato Jamhuuriyadda Somaliland-ba, waxay ka adkaysan weyday markii Somaliland ay noqotay laambad ilayskeedu iftiimiyay mandaqadda xasaraduhu ka oogan yihiin ee Geeska afrika. (BC) waxay Somaliland ku darsadeen hirgelinta mashaariic xadidan oo u badnaa dhismaha dugsiyadda waxbarashada, xarumaha caafimaadka iyo kuwo kale oo aan sidaas u sii ridnayn isla markaana wax aad u yar ka noqonaya tacabka Somaliland iskeed u qabsatay.


Taas ayaa sababtay in ay ka furtaan Xafiisyo ay ku maamuulaan kuna darsaan danahooda Siyaadeed ee Mandaqada iyaga oo bulshadda iskaga dhiga kuwa wax u qabanayaa waxaanay goobahaasi huwan yihiin danno siyaasadeed iyo diimeed waxa ay xad-gudubyo aan kala go’ lahayn u gaystaan Umadda ku abtirsata Jamhuuriyadda Somaliland .

Qof aan is dulayn ilaahay ma duleeyo, Ruuxa aadamaha ahi sidda uu u sharfo naftiisa si lamid ah ayey bulshada kale u sharfaan,

haddii uu qofku is dhigo meel aan munaasibkiisa ahayn majiro cid ka kicinaysa, qofku guriga uu deggan yahay haddii uusan ka nadiifin qashinka iyo cayayaanka kusoo xad-gudba waxaa uu ka qaadaya cudur iyo cabsi mana jirto cid u nadiifinaysa ama u difaacaysaa

Waxaan qalinka warqada u dul dhigay oo maqaalkan ugu xardhay inaan wax ka tilmaamo hab-dhaqanka foosha xun ee iga muuqda Madaxda ugu saraysa Wasaaraddaha dalka qaar. “ Anoo Beena waas ka diday maxaa bidhiq qaad u tegay “

Waxaay madaxooda hoos dhigaan sidii neef gawrac sugayaa Xafiisyadda aan soo sheegay iyaga oo aan waxba ka qaban Karin tacdiyada iyo boobka ay laamihaasi ku hayaan bulshada, taa bedelkeeda waxa ay isku duleeyaan madaxda xafiisyadda waxna kagama helin waxaa wejigooda ka muuqto baqdin aannad garanayn halka bahda lagaga saaray.

Marka aad rumaysan tahay qofnimadaad iyo mansabkaga ayaad qaadi kartaa talooboyin aad shacabka wax ugu qaban karto bal Akhriste Sawiro waxa kala haysata Xafiisyadda dhifka ah ee Visaha dal ku galka siiya dalkeen raba inay wadamadooda u tagaan waxbarasho , Caafimaad , iyo ganacsi kuwaas oo aan ogolayn Passporka Somaliland marka laga reebo Qunsuliyada Dalka Itoobiya oo si toosa ah u aqoonsan Passporkeena .nin Askari ah ayaa laga hayey “qoriga umaan qaadan dulaynta dadkayga inaan daawado”.

Maalin walba waxaa dalkeena sifo sharciga baalmarsan kusoo gala boqolaal qof oo aan sidan wax dal ku gal marka ay shacabkeenu maraa sifaha sharciga ee dal loogu Socdaalo waxaay la kulmaan waxyaabo aannu abid sawiran ama la kulmin qof dhulkiisa hawl uga baahday Sababto ah Madaxdeeni ayaa Isdulaysay oo garan la’ waxa xilka loogu dhiibay iyo cidda ay u shaqeeyan malaha waxa ay u yaqaan xoolo uruursi waa halkii abwaan Cabdilaahi Xasan Ganey ka lahaa
“Xilkuba baabuur miyaa
Bangalo meel laga dhistiyo
Ma beeso ku raadsa-baa
Xilkuba wax ku boob miyaa
Xilkuba bohol qodo miyaa
Xilkuba basar xumo miyaa?
Bulshada ku canaad miyaa ?” Sidaa darteed inta ay madax badan dulaysan tahay lama beegsan karo halkay guushu taal. Waxaan hadalka kusoo af xidhayaa “ Ruux haddii la doortoo
Darajadii la saariyo
Xilkii daryeelo waayo
Dab dhaxmooday weeyee”